25th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Cuqaasha, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 11 Nov, 2016 waxaa uu qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacayo kula kulmay cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay maanta qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug ayaa waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, kulankaas oo ahaa kulan xog waran ayaa waxaa odayaashu ay Madaxweynaha warbixin ka siiyeen guud ahaan xaaladda Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradkii ka qayb galay kulanka ayaa waxay ku tiiqtiiq sadeen sida ay u arkaan dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo sida ay ula muuqato aragtidooda sidii xal waara loogu heli lahaa sidii magaalada Gaalkacayo iyo bulshada ku dhaqan ay u heli lahaayeen xasilooni iyo xal waara oo lagu xasiliyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Mudug uga mahad celiyay sida ay markasta ugu howlan yihiin sidii loo qaboojin lahaa xaaladda magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tilmaamay in Dawladda Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay kaalin weyn ka geysan doonto sidii bulshada magaalada Gaalkacayo ay nabad-gelyo iyo deris wanaag ugu wada noolaan lahaayeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Dawladda Puntland markasta heegan ugu tahay difaaca xuduudaha iyo shacabka Puntland iyo waliba muhiimada ay leedahay inay qaado tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso
arga-gixisada iyo cadowga Dawladda Puntland.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_4196 img_4192 img_4190 img_4181

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*