23rd October 2024  admin  Category :

Khudbaddii Wasiir Cawada oo umadda Soomaaliyeed ay isku si u soo wada dhoweeyeen

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, oo hogaaminayey wafdigii labada gole ee dawladda dhexe ee Soomaaliya ee ka qayb gelayey shirka wada tashiga Puntland ayaa maalintii shalay isaga oo ku hadlaya afka wafdiga golahii ka jeediyey Khudbad qiimo leh iyo hadal hadal munusab ahoo waqtigiisii iyo madashii laga sheegi lahaa laga sheegay.

Danjire Cawad, khudbaddiisa inteeda hore wuxuu dheeraaday oo bogaadiyey Horumarka Puntland sida loo asaasay iyo sababihii loo asaasay oo ay ka mid ahayd in la helo Qaran Soomaaliyeed.

Danjire Cawad oo ay wada sugayeen umadda Soomaaliyeed ee uu wasiirka u yahay uuna afkooda ku hadlayo hadalka uu ka oran doona madasha Shirka wada tashiga Puntland ee uu ka khudbadeenayo, oo ah Doorasho degaankiisa iyo halka laga soo doorto oo beeshiisu degto , Ayaa haba yaraatee aan gefin, ilaawin ama baal marin ma’suuliyaddii saarnayd oo si Soomaalinimo ah waddaninimo ku jirto, kana duwan sida ay siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed u khudbadeeyaan madashii ka jeediyey isaga oo cidna ka caraysiin oo hadda Soomaali oo dhami isku si u soo wada dhoweesay

Wasiirka Cawad, ayaa madaxda Puntland ka codsaday in ay joojiyaan dhaliilaha iyo raja-xumada ay mar kasta muujiyaan hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya, islamarkaana wuxuu ka dalbaday in tabashooyinka jira si hoose loo xalliyo, halkii mar walba warbaahinta laga sheegi lahaa hadallo dadka sii kala fogaynaya.

Danjire Cawad waxa ka mid aha khudbaddiisa ” “Marmarka qaar waxaan dareennaa in Puntland ay si gooni ah wax u sheeganeyso oo ay leedahay hooyadii federaalka ayaan nahay; hooyadu ilmaheeda ayey u roonaan jirtay, Puntland waxa laga filayaa wax weyn oo wax tara dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo Puntland ku bogaadiyey horumarka ay gaartay.

“Madaxda Puntland waxaan ka rajeynaynaa in caqabadaha ay Dowladda Federaalka ka tirsanayaa inay ku gudbiyaan si walaalnimadii iyo wadajirkii Soomaaliyeed aan wax yeelayn. Madaxweynaha Soomaaliya annagaa ka wakiil ah, waxaan ku baaqeynaa in kalsoonida la xoojiyo, Dastuurka iyo arrimaheenna kale ka wada shaqeyno. Waxaan madaxda Puntland ka codsanaynaa in la xoojiyo kalsoonida, oo aan idaacadaha wax laysu marin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

Ugu danbayntii Khudbaddii Danjire Cawad waxay ahayd mid ay ka maqnayd cadifad qabiil iyo kala sooc degaan, waxay ahayd mid umadda Soomaaliyeed uGu yeeraysa Midnimo, wax wada qabsi iyo khilaafkooda lagu dhameeyo wada hadal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*