31st October 2024 admin Category :
Ciiidanka Jubbaland oo dhoolatus ku sameeyay duleedka Dhoobleey
Ciidanka Jubbaland ee ku sugan deeganka Dhoobley iyo nawaaxigiisa ayaa isbuucyadii tegay sameeyey hawlgallo lagu xaqijinaayo amniga guud ee deegaannada Dhoobley, Diif, Hoosingo, Dhuyac iyo Garoon Gariley .
Ciidamadan oo shaqadii loo idmay ku jira ayaa maanta soo ban dhigay dhoolatus argagax ku ridaya cadowga umadda Soomaaliyeed.
Ciidamadan ayaa isugu jira ciidanka booliska, ciidanka nabad-sugidda iyo ciidanka Daraawishta Jubbaland, ayaa waxay u carbisan yihiin baabi’inta cadowga Jubbaland.
Galabta xilli ay ku sugnaayeen duledka magalada Dhoobley, ayaa waxaa ciidanka la hadlay masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Dhoobley oo ay kamid yihiin taliyaha amniga deegaanka gaashaanle dhexe Haybe Axmad Cabdulaahi, guddoomiyaha deegaanka Siyaad Maxamad Xassan, madaxa maaliyadda deegaanka Assad Qorane Dhagjar iyo abanduulaha taliyaha hawlgalka xoraynta gobolka Jubbada Dhexe Axmad Ibraahim.
Masuuliyiintaan ayaa wacad ku maray in aysan u dul qadanayn dadka caoawga ku ah Jubbaland sida kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab iyo kuwa la hal maala islamarkaana waxay hoosta ka xariiqeen in ay gudan doonaan waajibaadka ka saaran difaaca Jubbaland.