31st October 2024  admin  Category :

Xildhibaanada iyo Senatarada ka soo jeeda Puntland oo sheegay inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax

Xildhibaannada iyo senatada ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda Puntland ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ee ahaa in aanay dowladda dhexe shahaado siin doonin ardayda Puntland oo aan gelin Imtixaankii mideysnaa ee dowladda.

Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa sheegay inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax, waajibkooda dastuuriga ka gudan doonaan, waxaa ay sidoo kale tilmaameen inay arrintan kala hadli doonaan Madaxda dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland:-

1: Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed waa xaq dastuuri ah oo laba taabtaan ah sida ku cad qodobka 30.aad ee datuurka KMG ah ee Somalia,isla markaana aysan dhici karin in Magaca dowladda ay mas’uuliyadda Wasaaradda Waxbarashada si qaldan u isticmaalaan.

2: Ma jiraan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo ka qeyb qaadan waayey xalinta arrintaan,balse uu jiro doorweyn ay ka qaateen si xal loo gaari lahaa,iyaga oo la kulmay Wasiir Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

3: In Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu burburiyey howlihii dhex dhexaadinta aheyd oo ay wadeen,isla markaana aysan iyagu maqal Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Puntland u tegay Arrimaha khilaafka.

4: In aan ula xisaabtameyno Wasiir Goodax Arrintaan uu sameeyey anaga oo adeegsaneyna awood Datuuri ah ee la xisaabtanka Golayaasha sida ku ad farqada labaad xarfka B-C ee qodobka 69aad ee Dastuurka KMG ah.

5: In aan la kulmeyno Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhacdadaan mugdiga gelineysa Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed.

6: In Ardayda iyo Waaldiinta Soomaaliyeed ay naga war sugaan,isla markaana arrintaan ay wax wanaagsan ku dhamaan doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*