23rd October 2024  admin  Category :

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo ahaa Madaxweynaha Dooran ee Galmudug ayaa sidii la filayay ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee muranka badan ka taagnaa, oo ay horay u qaadaceen inta badan Musharaxiintii mucaaradka ahaa.

Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo qaadatay wax ka yar saacad ayaa Musharaxii dowladda wadatay ee la ogaa inuu dooranaa uu ku guuleystay doorashada ka dhacday Hoolka Shiirkole.

Qoor Qoor oo ay la tartamayeen illaa saddex musharax oo aan ka mid aheyn Musharaxiintii horay ololaha ugu jiray, isla markaana gadaal iska sharaxday maalmihii uu khilaafka ka jiray howsha doorashada, waxaana siyaasiyiinta qaar ku tilmaameen inay ahaayeen Musharaxiin Malxsii u ahaa Musharaxa ay dowladda wadatay.

Doorashada ayaa waxaa wareeggii koowaad ku guuleystay codod dhan 66 cod, taasoo aheyd wax la sii ogaa, maadaama Musharax Qoor Qoor uu ahaa Musharaxa kaliya ee Xildhibaanada u qeybiyay kharash, si codkooda u siiyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb, kuna guuleystay saddex meel labo meel doorashadii saaka dhacday.

Sidaas oo ay tahay doorashadan ay dowladdu taageersaneyd ee uu ku soo baxay Musharaxii ay wadata Axmed Qoor Qoor ayaa waxay ka dhigan tahay inuu noqonayo Madaxweynihii 3aad ee Galmudug, waxaa horay Dhuusamareeb doorasho ay u qabsadeen garabka Ahlusuna ay madaxweyne ugu doorteen Sheekh Maxamed Shaakir, halka tii Gaalkacyo lagu doortay oo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiye Baarlamaan, oo uu Madaxweyne u yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Puntlandes.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*