22nd November 2024 admin Category :
Xildhibaabnada gobolka Sanaag ku yeelan doonaan Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay noqon doonaan Xildhibaanadii horay uga midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Sadexdii Xildhibaan ee gobolka Sanaag uga midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar labaad ku noqonaya Muqdisho, iyaga oo blashada reer Maakhir uga wakiil noqon doona Baarlamaanka Soomaaliya
Sida ilo lagu kalsoon yahay ALLSANAAG u sheegeen sadexdan Xildhibaan oo horay uga midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar labaad Suldaanka beesha Warsangeli Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam magacyadooda soo gudbiyey, maamulka Puntlandna uu ka aqbalay.
Sida ay noo sheegeen Odayaal ka mid ah reer Maakhir, Suldaan Siciid labo arimood ayuu sabab uga dhigay inuu dib ugu soo celiyo Xildhibaanaddi hore.
Tirada Xildhibaanada oo ah tiro yar iyo beelaha reer Maakhir oo wada doonaya inay Muqdisho cid u dirsadaan , oo xildhibaanka noqdo mid beeshooda ka soo jeeda
Arinta labaad waa beelihii Xildhibaanada ku lahaa baarlamaanka Puntland oo doonaya in Xilka laga qaado Xildhibaanada Federaalka ,Hase ahaatee iyaga doonaya in kowooda Puntland ay sii haystaan kuwa Muqdishona ku darsadaan
Ugu danbayntii Midnimada Beesha Maakhir kuma jirto warbaahinta oo canbaarayn hawada laysu mariyo, ee waa in beeshu dib isugu laabataan oo khaladka jira la wada saxaa . Dhibka maanta reer Maakhir haysta haddi ay ahaan lahayd abaaraha degaanka ka jira iyo duulaanka dhul boobka ah ee lagu hayo MAAKHIR ayaa ka weynn sadex qof oo Muqdisho u shaqo tagay in beesha lagu kala kaxeeyo oo colaad iyo nacayb la dhex dhigo
Sidoo kale Cumar Cabdirashiid waa murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida ololaha doorashadu ay tahayna meel kasta oo aad cod ku ogtahay waa ka raadsanaysaa adiga xodxodanaya si cod laguu siiyo . Maaha in Cumar Cabdirashiid lagu canbaareeyo ololihiisa doorashada ee waa in gorgortan siyaasadeed lala galaa, Bulshada reer Maakhirna waa in ay ku taageeraan in madaxweynaha soo socdaa uu noqdo Cumar Cabdirashiid
ALLSANAAG.COM