25th October 2024  admin  Category :

Wakiilka Damjadiid U Jooga Madaxtooyada Puntland Burhaan Gurey Iyo Sida Uu Ugu Iibiyo Xubnaha Baarlamaanka DFS ee Puntland

Waxaa isa soo taraya dadka Shacabkaa ee lasoo xiriiraya P/O si aan u daabacno musuqmaasuq hareeyay soo xulitaanka xildhibaanada aqalka sare ee Puntland iyo soo xulitaankii aqalka Hoose oo hadda billaabmay.

Hadaba waxaa si aan cidna ka qarsoonayn aad looga warhayaa musuqmaasuqii hareeyay soo xulitaankii aqalka sare.
Hadaba inta aanan gallin arrimahaan
Waa ayo wakiilka Damjadiid u jooga Madaxtooyada Puntland.

Burhaan Maxamuud Gurey oo ahaa ninkii keenay qorshe siyaasadeedkii doorasho ee Madaxwaynaha Puntland lowgu olaleeyay hanaankii uu Gaas ku noqday Madaxwaynaha Puntland 2014-kii isla markaana ay walaalo yihiin Caaqil Abduwahaab Maxamuud Gurey.

Burhaan Maxamuud Gurey ayaa hadana wada qorshihii Madaxwayne Gaas looga dhigi lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya 2020, waana waxa sabab u ah Musuqmaasuqa hareeyay Puntland, isla markaasna ay kooxda Damjadiid ku qabsadeen Madaxtooyada Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa la sheegayaa in qorshe siyaasadeedkaan in muddo ahba uu ka gadayay Burhaan Maxamuud Gurey balse markii danbe aqbalay.

Burhaan Maxamuud Gurey wuxuu ka tirsanyahay madaxda Madaxtooyada Puntland waa ninka hadda Madaxwaynaha Puntland u qaabilsan arrimaha doorashooyinka DFS.
Burhaan Maxamuud Gurey ayaa wuxuu heshiis lasoo galay kooxda Damjadiid heshiiskaasina wuxuu ku salaysanyahay wada shaqayn kooxda Damjadiid iyo wakiilka Cabdiwali Gaas u qaabilsan arrimaha Doorashada 2016 illaa 2020.

Waxaa lagu ballamay in 2016 lasoo saaro Xasan Shiikh, Raysalwasaare uu Xasan Shiikh ka dhigto Siciid Cabdullaahi Dani oo ah nin reer Puntland ah, Dani ayaa ka tirsan kooxda Damjadiid.

Qorshuhuna waa in marka la gaaro 2020 Lagu taageero Cabdiwali Gaas in uu noqdo Madaxwaynaha 2020-ka.

Hadaba Burhaan Maxamuud Gurey in uu yahay wakiilka Damjadiid u qaabilsan arrimaha soo xulidda xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose ee Puntalnd ayaa waxaa ka warhaya macaa caruurta iyo dumarka Garoowe mana ahan wax qarsoon, waxaana arrinkaas kula shaqeeya oo ku taageera Madaxwaynaha Puntland oo markaas qaatay fikirkii Burhaan Maxamuud Gurey ee ahaa in 2016 la taageero Xasan Sheekh si markaas Gaasna ay kooxaha Xasan sida Cabdikariin iyo Madaxwaynaha Hirshabeele oo labaduba ah Damjadiid iyo Waliba Raysalwasaare Dani-ga mustaqbalka ay u taageeran Musharaxnimada Gaas ee 2020 isla markaana 4-ta sano ee soo socota loo wada shaqeysto.

Arrinkaan ayaa soo shaacbaxay doorashadii aqalka sare kadib markii ay raggii ugu cuslaa Puntland ee hawaystay aqalka sare iyo kooxihii ay damjadiid sii iibsanayeen iyagoo laaluusha xildhibaanada soona maraya Madaxtooyada.

Waxaana ugu cuslaa kursigii reer Maxamuud markii hore loo ballan qaaday isla markaana ay reer Maxamuud isku raaceen in ay kursigaas odayaashoodu isku raaceen in loo daayo aqoonyahan ganacsade Cabdikhadar faarah shaaciye halkaan ka daawo, Madaxwayne Cabdiwalina arrinkaas uu aqbalay.

Balse waxaa ay abdikhadar iyo odayaasha beesha reer Maxamuud ay suuqa ka maqleen in uu kursigaas u sharaxayahay Mahad Daahir Sheekh Nuur: Beesha (Awrtable) isla markaana ay wato wakiilka Damjad Burhaan Maxamuud Gurey oo Xasan Sh Soo amray isla markaana uuba ayraboorka Garoowe kasoo wada dageen Musharax Mahad iyo wakiil Burhaan oo ka yimid Kenya Boorso lacagana wada.
Dhanka kale Madaxwaynaha Puntland ayaa kursigaas u gudbiyay gudiga doorashada in ay u tartamayaan
Cabdixakiin Axmed Xaashi ——-> Maalqabeen taajira beesha Wabeeneeye
Mahad Daahir Shiikh Nuur ——–> Beesha Awrtable
Cabdulqaadir Faarax Shaaciye——> Maalqabeen taajira Beesha Reer Maxamuud.
Cabdulqaadir ayaa markii uu ka warhelay in ay raggaas kursigii kula tartamayaan iyadoo ay markaas illaa 100 kun$ ka baxday iska casilay kursigaas sida kor ku cad.
Waxaa isku soo haray.
Cabdixakiin Axmed Xaashi ——-> Maalqabeen taajira beesha Wabeeneeye
Mahad Daahir Shiikh Nuur ——–> Beesha Awrtable ay wataan Damjadiid iyo Ethiopia.

Cabdkxakiin Axmed Xaashi ayaa ballanqaaday in uu kooxda damjadiid kursigaas kula dagaalamayo, maadaama uu ahaa nin taajira wuxuu u qoondeeyay kursigaas lacag gaaraysa illaa 300 kun oo dolar oo wax dhiman, arrinka cabdixakiin ma ahan arrin qarsoon waa arrin ay caruurta iyo dumarka garoowe ka warhayaan.

Balse maadaama Mahad Daahir Shiikh Nuur ay wateen Damjadiid oo soo maraya Madaxtooyada Puntland iyo wakiil Burhaan waxaa lagu bixiyay kursigaas lacag lagu qiyaasay boqolaal kun oo lasiiyay xildhibaanada Puntland, waxaana si toosa khadka ugu jiray xasan shiikh Madaxtooyada Puntland oo aan u kala harin.

Kuraasta kale ee ugu hadal haynta badan waxaa ka mid ahaa
Kursigii beesha Leelkase iyo aasaasihii Puntland Cali Ismaaciil Cabdigiir.
Cali Ismaaciil Cabdigiir waa nin ay Puntland-nimadu aad ugu wayntahay Soomaalinimada iyo qadiyaduna ku wayntahay, maadama Puntland ay ahaayeen 3 Jamhadood oo isku tagay wuxuu ahaa Gudoomiyihii Jamhaddii beesha Leelkase, waxaana ay damjadiid isku dhaarsadeen in Cali Ismaaciil Cabdigiir aan marna loo ogolaan kursiga aqalka sare, waxayna lacag fara badan dul dhigeen Farxaan Cali Xusseen: Beesha Tenaada Daarood (Leelkase) kana tirsan xarakada Damjadiid.

Kursiga kale ee ugu hadal haynta badnaa wuxuu ahaa
Kursigii Cumar Cabdirashiid, oo markii hore uu cumar Cabdirashiid gacantiisa ku keensaday Aamino Aadan Cabdulaahi balse markii ay kooxda Damjadiid ka warhelleen arrinkii ay lacaga fara badan dul dhigeen isagoo cumar fara cidi leh ku baxsaday.

Isku soo duub marka laga reebo kursiga Faroole, kan Cumar Cabdirshiid iyo Juriile oo la sigay, waxaa inta badan ku guulaystay kuraastaas kooxda Danjadiid.

Arrinka hadda ugu daran waa iyadoo uu wakiilka Damjadiid madaxtooyada Puntland u fadhiya Burhaan Maxamuud Gurey uu hadda Garoowe ka billaabay ololihii soo xulidda xildhibaanadii aqalka hoose ee Puntland Damjadiid uga mid noqonlahaa.

Warbaahinta P/O sababta aan u aasaasnay waxay ahayd sidii Soomaalida lowu baraarujinlahaa muhiimadda cadaaladda——> halkaan ka eeg qaybo ka mida qormooyinkii cadaaladda , dawladwanaagga, isla xisaabtanka, waxaan muddo dheer baahinaynay in sida kaliya ee qarankii Soomaaliyeed lagu soo celinkaraa uu yahay iyadoo kalsoonida shacabka la helo, shacabka si kalsoonidiisa loo helo waa in wixii umaddu ay wada lahayd loo sinaadaa, waana markaas marka ay shacabku dawladda wada illaashanayaan qabyaaladana iska daynayaan.

Waxaanan daabacaynaa dhamaan wixii la xiriira isdaba marin, waxaanan arrimhaas daabici jirnay xiligii xukuumaddii faroole ee ma ahan mid aan hadda un bilownay in aan daabacno xiliyadan xukuumadda Gaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*