24th November 2024 admin Category :
Maleeshiyaadkii Qandala qabsaday oo ka war sugaya kulanka maanta Gaas iyo Galan
Mallayshiyaad sheegtay inay katirsan yihiin Daacishta ku sugan Puntland oo shalay la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa wararku sheegayaan inay halkaas isaga baxeen.
Lama oga goobta ay u ruqaansadeen, kooxdan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 ruux.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xalay saq dhexe mallayshiyadan ka guureen degmada iyagoo ka qaatay astaantooda Madoow oo markii hore goobta laga taagay.
Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Puntland.
Maleeshiyaadkan ayaa waxa hogaaminayey Cabdulqaadir Muumin oo ay beel ka soo wada jeedaan dagaal oogaha kale ee gobolka Bari Cabdi Samad Galan
https://youtu.be/zJbbHJRAYA8?t=45s