24th November 2024 admin Category :
Siyaasiyiinta reer Maakhir goormay Xaafadaha ka dhamaanayaan?
Maalmihii ugu danbeeysey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxa laga dareemayey ololihii lagu qaybsan lahaa Xildhibaanada Aqalka sare ee Gobolada waqooyiga Somaaiya.
Madaxda Siyaasiyiinta beesha Isaaq oo ay ka mid yihiin Maxamed Cumar Cartan iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maareeye, iyagu waxay olole xoogan ugu jiraan siddii Xildhibanada Aqalka sare ee laga soo dooranayo waqooyiga Soomaaliya ay wada noqon lahaayeen Beelaha Dirta Waqooyi ee Isaaq, Ciise, Samaroon iyo Fiqishini oo lagu siinayo gobolka Sool
Halka Siyaasiyiintii reer Makhir ee laga sugayey inay olole xoogan u galaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen kursiga aqalka sare ee ay ku leeyihiin waqooyiga Soomaaliya ,ay iyagu noqdeen kuwo ka dhamaan waayey xaafadihii iyo kala qaybinta beesha reer Maakhir ee la doonayo in la dhaco kursigooda
Siyaasiyiinta reer Maakhir Qaarkood iyaga oo saamigii Beel weynta Warsangeli ka wada dhaxaysay ay beeshoodu ka haysato maanta dhamaan wasiiradda heer maamul iyo heer federaal, Xildhibaanada Puntland %75 ayaa damac wuxuu ka galay kursigii ka maqnaa ee reer Darasalaam. Arintan waa arin halisteeda leh waa arin dhantaalaysa midnimada Maakhir. Waana arin u baahan in la canbaareeyo
Siyaasiga Bulshadiisa wax tari karaa waa siyasiga og sida Bulshadiisu wax u kala leedahayy ama wax u qaybsan jirtay Beel ahaan dhinaca abtirsiyaha . Siyaasiga mudan inuu ummad hogaamiyo waa qofka dadka isku wada ee maaha mid kala qaybiya.
Ugu danbayntii Suldaanka Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Sulaan Cabdisalaam waa ku mahad san yahay sda uu u garab istaagay in beesha reer Daarsalaam ay Xildhibaan yeeshaan. Hadaba Suldaan si umadda loo badbaadiyo, oo aan siyaasiga danaystha ah uga faaiidaysan xaaladda adag ee lagu jiro, waa in aad labada xildhibaan oo kalena aad ka soo magcawdaa beelaga Shimbiraale iyo Rad,
Allsanaag.com