30th April 2024  admin  Category :

Kooxo ka mid ah Baarlamaanka Puntland oo laga soo abaabulay Villa Soomaaliya, ayaa ka wadda deegaanada Puntland khalkhal lagu carqaladeenayo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweeynaha Puntland Siciid Deni.

Kooxahan laga soo abaabulay Muqdisho, ayaa hadafkooda uu yahay sidii mooshin looga keeni maamulka waqtigan jira si loo keeno shaqsi kalle oo hoos tagga Villa Soomaaliya, Punltana laga dhigo meel sidii la doono laga yaalo.

Waxaase dhab ah, in shacabka Puntland ay ka dheragsanyihiin wax qabadka dawladda uu hoggaamiyo Siciid Deni, waqtiga yar ee uu joogayna waxaa la qabtay wax yaabo badan oo horrumar ah. Hadaba, intii uu Deni joogay maxaa qabsoomay?

-Waxaa deegaanaa Puntland laga billaabay diyaaradda Itoobiyaan Airline, waxaana meesha ka baxay caqabaddo badan oo dadka ka heeystay xagga socdaalka;

– Waxaa gollayaal deegaan loo sameeyey degmooyin badan oo ka mid ah deegaanada Puntland;

– Waxaa dib boorka looga jafay in la tayeeyo ciidanka Puntland;

– Waxaa dadka aadi jiray dalka Hindiya loo fududeeyey ineey hellaan fiisaha dalka Hindiya oo laga qaadanayey magaalada Garoowe;

– Waxaa deeganada Puntland lagu qabtay shirkii maalgashiga oo guulo ay ka soo baxeen;

– Sidoo kalle waxaa qorshaha ku jirta in kaabayaasha dalka oo ay ku jiraan waddooyinka iyo dekedaha la sii horumariyo iyo waxyaabo kalle oo badan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la gudboon madaxweeynaha Puntland in dadka fawdada dalka ka wadda uu gacan bir ah ku qabto, uusana noqon qof u jilca shirqoolka laga soo abaabulay Villa Soomaaliya.

Hadaba, muuqaalka hoose waxa aad ku arki kartaa shaqsi ka mid ah baarlamaanka Puntland oo su’aal weeydiinaya madaxeeynaha Puntland. Hase ahaatee, shaqsigan ayaa ka mid ah shaqsiyaadka laga soo abaabulay Villa Soomaaliya.

https://youtu.be/148INwEVORU

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*