25th October 2024  admin  Category :

Wiilal dhalinyaro ah oo la doonayey in laga ururiyo degmada Beledweeyne ayaa waxaa ka hor yimid odayaasha dhaqanka. Wiilashan oo aan ka tirsaneen ciidanka dawladda ayaa la doonayey in iyaga oo wata macawiisahooda loo qaado magaalada Dhuusamareeb., odayaashana waxeey sheegeen in arrintaas aysan suurtagal aheen.

Sidoo kalle, ciidanka ragga soo dalbaday waxaa ku jira qaar dagaalo qabiil oo deegaanada dhawaanahan ka dhacay qeeyb ka ahaa, taas oo iyadana sababtay in shaki laga muujiyo sababta ciidanka dhalinayarada ah loo ururinayo.

Hadaba, waxaan la garaneeyn sababta loogu baahanyahay ciidankan faraha badan ee lagu daabulayo magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan ognahay in ay joogaan ciidankii Galmudug, kuwii Ahlu Sunna, kuwo Amisom ka socoda, iyo kuwo Muqdisho laga keenay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*