23rd October 2024  admin  Category :

Golaha wasiirada Oo Taageeray Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo.

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*