23rd October 2024  admin  Category :

Ahlasunna ayaa looga baxay heshiis ay dawladda federaalka la saxiixdeen, waxaana markii horre loo sheegay Ahlasunna in Xaaf ay doonayaan ineey ka taqlusaan, markaa ka dibna la qaban doono doorasho ka dhacda Galmudug.

Waxaan la soconaa in dawladda iyo Xaaf khillaafkooda uu soo jiitamayey waqti dheer taasna ay keentay in dawladda ay ka soo fakirto dariiqii ay oga taqlusi laheed Xaaf ayaa dawladda federaalka waxeey la timid qorshe taas oo lagu kalla jabinayo Xaaf iyo Ahla Sunna, waxaana magaalada Dhuusamareeb yimid Kheeyre kaas oo wadahadalkii ay la yeesheen Ahlu Sunna isku afgartay ineey ka taqlusaan Xaaf.

Warar ayaa sheegayey in Shiikh Shaakir la siiyey lacag dhan laba milyan oo doolar taas oo ka dhigtay ineey si farxad leh ku soo dhaweeyeen qorshaha dawladda ay wadatay, meesha ciidankoodiina lagu daray ciidanka dawladda.

Hase ahaatee, Nabad iyo Nolol oo iyagu ah kuwo aan daacad aheen ayaa dhammaan balamahii ay la galleen Ahlasunna uga baxay, waxaana waqtigan muuqaneeysa in la doonayo in la soo dul dhigo ciidamo fara badan si loola wareego xarumaha muhiimka ah ee ku yaal dhammaan magaalada Dhuusamareeb.

Yaar yiri dawladda aamina? Waxaa xaqiiq ah in Ahlasunna ay gacantooda isku gawraceen, waxaana markii ay xeero iyo fandhaal ay kalla dhaceen ay Ahlasunna sheegtay in ay ka baxeen heshiiskii ay la galleen dawladda federaalka.

Hase ahaatee, dawladda ay horkacayaan Nabad iyo Nolol ayaa hadal ay soo saareen waxeey ku sheegeen in aysan jirin wax heshiis ah oo looga baxay Ahlasunna, balse waxaa dhab ah ineeysan jirin cid aamineeysa hadlka dawladda sheegeeyso.

Hadaba, Ahla Sunna waxaa u bannaan labba dariiq midkood; dariiqa koowaad oo ah ineey dagaal la gallaan ciidanka la dul keenay ee laga keenay magaalada Muqdisho iyo ineey isku dhiibaan Farmaajo iyo Kheeyre oo ah niman musuqmaasuqiistayaal kuwaas oo dalka oo dhan gelliyey iska hor imaad iyo jahwareer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*