31st October 2024  admin  Category :

Saciido Majeerteen iyo Damuljadiid ayaa doortay

Websiyada taageera madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas , ayaa daabacay Qoraal ay cinwaan uga dhigeen Saciido Xasan Cismaan oo ka guulaysatay sadex rag ah oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli

Cinwaankan waa marin habaabina    la doonayo in  umadda lagu jaahwareerinayo, oo lagu qariyo dhaqan xumaddi maanta Garoowe ka dhacday  , Saciido Xasan iyada oo dooran ayeey Muqdisho iyo Jowhar  ka timid    , waxaana u fududeeyey in loo   doorto 33 Xildhibaan ee beesha Majeerteen iyo dilaalka la shaqaysta   Saadiq Garaad   oo laaluush kaga  qaatay Damuljadiid iyo Xasan Culusoow  in Saciido ka mid noqoto Aqalka sare

Sida ilo  lagu kalsoon yahay noo sheegeen Xildhibaanka la sheegay inuu gobolka Sanaag u metalayo  Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya  waxay goob joog ka ahayd maalintii la heshiisiinayey labaddi garab ee  jabhaddi USC ee kala hogaaminayeen   Caydiid iyo Cali Mahadi intii ka danabysana waxay ka mid ahayd siyaasiyiinta Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Banaadir. Taasina waxay markhaanti ka tahay siyaasad xumada reer Makhir soo food saartay oo ay sabab u tahay  labada  Isim oo dantii guud ee beeshu lahayd  ka doortay   mid gaar ahaaneed, iyaga oo  jirtitaankii beesha Makhir kula gorgortamaya beelo kale in  hal kursi oo nin jeclaysiya la siiyo.

Gebagebadii  doorashadan tii ka  horaysay  ee ka dhacday baarlamaanka Puntland  33 Xildhibaan ee Beesha Majeerteen ku leeyihiin baarlamaanka Puntland iyo Saadiq Garaad waxay sharci daro ku rideen  intay mooshin ka keeneen gudoomiyihiin hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Sidaas awgeed Saciido beesha reer maaakhir  ma  dooran, lagumana dooran Badhan iyo Dhahar.  Waxa lagu doortay Garowe, waxaana   codkooda  siiyaey beesha leh  Xildhibaanada ugu badan Baarlamaanka Puntland oo ay maalgeliyeen Damuljadiid. Xildhibaanadani 33 ah waa kuwa beeshooda u dooray Xildhibaanada ugu badan ee Puntland ka aadaya Aqalka sare oo ay ka mid yihiin Mdaxweynayaal iyo Ra’isawasaaeayaal dalka soo maray. Halka Siyaasiyiintii reer  Makhir ee la xisaabtami lahaa dhaqan xumada ka jirta  Hargaysa iyo Garowe  ay Isimadani ka dhigeen kuwo  duur joog ah oo  aan waxba la waydiin,

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*