4th December 2024 admin Category :
Saciido Majeerteen iyo Damuljadiid ayaa doortay
Websiyada taageera madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas , ayaa daabacay Qoraal ay cinwaan uga dhigeen Saciido Xasan Cismaan oo ka guulaysatay sadex rag ah oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli
Cinwaankan waa marin habaabina la doonayo in umadda lagu jaahwareerinayo, oo lagu qariyo dhaqan xumaddi maanta Garoowe ka dhacday , Saciido Xasan iyada oo dooran ayeey Muqdisho iyo Jowhar ka timid , waxaana u fududeeyey in loo doorto 33 Xildhibaan ee beesha Majeerteen iyo dilaalka la shaqaysta Saadiq Garaad oo laaluush kaga qaatay Damuljadiid iyo Xasan Culusoow in Saciido ka mid noqoto Aqalka sare
Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen Xildhibaanka la sheegay inuu gobolka Sanaag u metalayo Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya waxay goob joog ka ahayd maalintii la heshiisiinayey labaddi garab ee jabhaddi USC ee kala hogaaminayeen Caydiid iyo Cali Mahadi intii ka danabysana waxay ka mid ahayd siyaasiyiinta Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Banaadir. Taasina waxay markhaanti ka tahay siyaasad xumada reer Makhir soo food saartay oo ay sabab u tahay labada Isim oo dantii guud ee beeshu lahayd ka doortay mid gaar ahaaneed, iyaga oo jirtitaankii beesha Makhir kula gorgortamaya beelo kale in hal kursi oo nin jeclaysiya la siiyo.
Gebagebadii doorashadan tii ka horaysay ee ka dhacday baarlamaanka Puntland 33 Xildhibaan ee Beesha Majeerteen ku leeyihiin baarlamaanka Puntland iyo Saadiq Garaad waxay sharci daro ku rideen intay mooshin ka keeneen gudoomiyihiin hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Sidaas awgeed Saciido beesha reer maaakhir ma dooran, lagumana dooran Badhan iyo Dhahar. Waxa lagu doortay Garowe, waxaana codkooda siiyaey beesha leh Xildhibaanada ugu badan Baarlamaanka Puntland oo ay maalgeliyeen Damuljadiid. Xildhibaanadani 33 ah waa kuwa beeshooda u dooray Xildhibaanada ugu badan ee Puntland ka aadaya Aqalka sare oo ay ka mid yihiin Mdaxweynayaal iyo Ra’isawasaaeayaal dalka soo maray. Halka Siyaasiyiintii reer Makhir ee la xisaabtami lahaa dhaqan xumada ka jirta Hargaysa iyo Garowe ay Isimadani ka dhigeen kuwo duur joog ah oo aan waxba la waydiin,
Allsanaag.com