25th October 2024  admin  Category :

Argaggixisada Shayaadiinta ah waa kuwo baa’biyey ummadda Soomaaliyeed, maalin kastana waxaanu noqonay kuwo u baroorta dadka ay dillaan argaggixisada arxanka daran ee cadawga ah.

Argaggixisada ayaa dishay kumaanaan kun oo qof oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, waxeeyna ka dhigeen qaar badan oo kalle kuwo laxaadkooda beelay, waxaana intaas dheer buruburka hantida shacabka soo gaara oo mallaayiin doollaar kor u dhaafaya.

In maalin kasta shacabka la laayo waxaa sabab u ah hoggaan xummidda heeysata dalka taas oo ka dhigtay dalka mid aan la garaneen jihada uu u socdo.

Soomaaliya uma baahna hoggaamiyayaal la mid ah Farmaajo iyo Kheeyre oo iyagu ah kuwo aan ka shaqeeneeyn waxyaabaha ahimiyadda u ah dalka Soomaaliya oo ay ugu horeeyso nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta.

Farmaajo iyo Kheeyre waqtigooda intiisa badan waxeey gelliyeen sidii ay u burburin lahaayeen maamul goboleedyada dalka , burburinta nidaamka federaalka iyo ku bixinta lacagaha shacabka sidii Facebuugyada looga amaani lahaa.

Hadaba, Soomaaliya waxeey u baahan tahay hoggaamiyayaal uu yahay ahmiyadooda koowaad sidii  ay u badbaadin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xooga saaraya arrimaha amniga iyo midda dib u heshiisiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*