27th November 2024 admin Category :
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sodonaad ee kaalinta 3-aadku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, maadaama loo tartamayay kaalinta 3-aad, waxaana uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa, uguna adkaa inta uu tartanka socday mudada 30-ka cisho.
Dhahar
Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood. 16-dhibcood
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Markii tartanka uu ku soo idlaaday waqtigii loogu talagalay bar bar dhac, 10 iyo 10, ayaa lagu daray su’aalo dheeri ah, waxaana la weydiiyay min shan su’aal, iyadoo Yaaqshiid ay la timid afar dhibcood, halka Dhahar ay heshay lix dhibcood, wadarta guud Yaaqshiid ayaa noqontay 14 dhibcood, waxaana Dhahar ay heleen 16 dhibcood.
Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta saddexaad ku guuleystay tartamayaasha Dhahar Gobolka Sanaag.
Habeen dambe oo ah habeenka 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kulankiisa kama dambeysta ah (Final) ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana Kismaayo ay u noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah ay soo tiigsato final.