23rd October 2024  admin  Category :

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Dhimashada ayaa la sheegay inay gaartay illaa 12 ruux oo ay ku jiraan askar, sarkaal ciidan iyo dad kale oo rayid ahaa, sidoo kale dhaawaca ayaa gaaray in ka badan 10 ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxaas uu ka mid yahay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo soo noqday Wasiirkii ee Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.

Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ahaa La Taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaa uu ahaa dadka ugu khabiirsan ee dowladda, soona shaqeeyay illaa xilligii Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaaminta ee loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo bartilmaameedsaday Koontaroolka Ciidanka NISA ku lahaayeen Agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon iyo Godka Jilacow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*