30th April 2024  admin  Category :

Proff.Cabdirisaaq Cismaan Xasan Juurile Muxuu Abaal Ugu Helayaa Xubinta Aqalka Sare?

Aqal-sare Haddii aad Maqashaan waa Gole Odayaal oo lagu Abaal-mariyo Dadka Waxtarka u ah Dalkaas. Dunida aan joogno waxaa Aqal-sare iska leh Dalal kooban sida Britain loona yaqaan ( House Of Lords ) Waxaana lagu daraa Aqalkaas Shakhsiyaadka Waxqabadkooda Iyo Siyaasiyadooda Saameynta ku yeeshay Dalkaas.

Akhristow Iyadoo Maalmahan loo Codeyn doono Xubnaha Aqalka-Sare u Matali doona Puntland Dowlada dhexe ayaan doonayaa in aan idin soo bandhigo Sababta uu Abdirisaaq Juurile ku mudan yahay Xubintaas??

Cabdirisaaq Juurile ayaa Xilal-sare kasoo noqday Dowladihii dhexe ee Somalia, Isagoo Hormuud ka noqday  Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed, Mudda kadibna loo dhiibay Mashruucii Dariiqa Bossaso oo Maanta Nolol u noqday Malaayiin Dad ah.

juuurile

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo Qiimeeyay Howalkarnimada Professor Juurile ayaa ugu danbeyn u Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Kolkii Dowladii Somalia meesha ka baxday, Professor Juurile waxa uu kamid noqday Siyaasiyiintii Kaalinta ka qaatay Dhismihii Maamulkii Waqooyi Bari Isagoo lagu Xasuusto Abaabulkii Shirkii Lagu Yagleelay Dowlada Puntland ee Maanta aan Harsaneyno.

Professor Juurile, Kolkii Puntland la dhisay Isagoo aan Xil ka qaban ayuu Kaalin-weyn ka qaatay Hagaajinta Xiriirka Caalamiga ee Puntland lalaheyd Beesha Caalamka, Isagoo Kaashanayay Saaxiibkiis Marxuum Maxamed Abshir Walde.

Professor Juurile, ayaa kamid noqday Barlamaankii KMG ee Eldoret lagu dhisay 2004, Sidoo kale Professor Juurile ayaa kamid noqday Xukumaddii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf AUN, Iyadoo loo Magacaabay Wasiirka Qorsheynta Somalia.

Mar kale Professor Juurile ayaa Xilal Wasiir ah ka qabtay Xukuumadii Raisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid. Haddaba Marka aan u soo noqono Puntland oo Professor Juurile ku fadhiyo Awood ahaan, Muxuu u qabtay Muddadii uu Xilalka Dowlada dhexe hayay?

Professor Juurile, Isagoo ah Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga ayuu soo xiray Xiriirka India ee Arrimaha Waxbarashada loo Adeegsado Online, Taasoo Maanta Aflaxisay Arday badan oo Jaamacadaha India si toos ah uugu xiran.

Professor Juurile ayaa Sidoo kale Kaalin-weyn ka qaatay, Hirgalintii Mashruuca Airport Bossaso, Iyo Tiiviga Puntland, Sidoo kale Professor Juurile ayaa kaalin fiican ka qaatay Hirgalinta Mashruuca Balaarinta Biyaha Bossaso oo Dowlada Talyaanigu ku deeqday lacag dhan 10M$ sida aan Xog ku hayo oo Bishaan Hadda aan ku jirno la bilaabi doono.

Sidoo kale Professor Juurile ayaa qeyb-weyn ka qaata Horumarka Puntland, Iyo Nabadeynta Deegaanada, Isagoo lagu Xasuusto Kaalintii Nabadeed ee Puntland Iyo Galmudug 2015, Dagaalkii Gaalkacayo.

Professor Juurile oo Kaashnayay Raisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa Labo Isbuuc ka hor soo dhameeyay Lacag dhan 2M$ oo Dowlada Talyaanigu ugu Deeqday Dariiqa Ceel Daahir, Ceerigaabo.

Professor Juurile, Sidoo kale waxaa lagu Xasuusan doonaa inuu kamid ahaa Aasaasyaashii PDRC-oo Maanta Saldhig u ah Xarumaha Cilmi-Baarista Puntland.

Ugu Damayntii Proffessor Juurile oo xiligan ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Waxa uu Kormeer ku tegay Xarunta Baarlamaanka Dowlada Puntland,isagoona Warbixino ka dhegaystay Madaxda Xarunta Baarlamaanka,iyadoona kormeerkaasi uu shalay Guul kusoo dhamaaday,isla markaasina xubnaha Baarlamaanka Puntland ay u arkaan Siyaasi Ruug cadaa Ah,ayna Mudan Tahay Xilkasta oo isu soo sharaxo in Lagu Taageero.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*