27th November 2024 admin Category :
Ka waran Wiish aan soconayn ninka doonaya inuu u qaato Dabaq Dheer uu degan yahay .
Ka waran nin u socday Gurigiisa oo ku yaal Dabaq dheer oo loo raaco Wiish, haddii uu dhex fariisto wiish aan shaqaynayn oo uu hadana doonayo inuu gurigiisa ku tago,
Ka waran haddii koox kale oo dabaqa dheer dhinac ka deganaa ay iyaguna iyaga oo og in wiishku shaqaynayn ay kooxdii hore dhinac fariistaan oo sugayaan in wiishku kor u qaado.
Ka waran haddii koox sadexaad oo waalan oo dabaqa dheer dhinac ka deganaa ay iyaguna yiraahdaan, Wiishkii aan shaqaynayn ayaan qayb ka mid ah goosananaynaa, oo uu halkaa muran ka dhasho, murankaas oo ah Wiishka aan shaqaynayn waa kala goynaynaa iyo sidan ayuu inoo ahaanayaa
Intii nimankani wiishka aan shaqaynanayn dhex fadhiyeen oo qaarkood lahaayeen wiishka aan shqaynayn ayaan qaybtayada goosanaynaa, umaddii kale ee Cadaan lahayd, Madow lahayd, Indho yar lahayd iyo Hindi lahayd , waxay Isticmaalayaan Wiishashkii kale ee shaqaynayey ee Daartu lahayd. Waxayna is waydiinayeen dalka ay ka soo jeedaan nimanka dhex fadhiya wiishka aan shaqaynayn,
Nimanka hore ee Wiishka aan shaqaynayn dhex fadhiyey ee sugayey inuu kor u qaado, waa Reer Muqdisho oo aan dawladnimo diyaar u ahayn, caasimaddii Soomaaliyana ay afduuban tahay
Kooxda kale oo iyaga oo og in Muqdisho dawladnimo ka shaqaynayn, hadana u soo doontay Wasiiro iyo Xildhibaano waa reer Puntland. Waxayna ku faraxsan yihiin inay dhinac fariistaan kooxdii hore ee aan dawladnimada doonayn
Nimanka Waalan oo wiishkii aan shaqaynayn doonaya inay qayb goostaan waa SNM.
Nimanakan, umadda inteeda kale is waydiinayaan oo dhex fadhiya wiish aan shaqaynanayn Waa Soomaalida.
ALLSANAAG.COM