22nd December 2024 admin Category :
Odayaashii garan waayey sidee degmada Ceerigaabo oo aad leedihiin aad ugu yeealateen golaheeda degaanka hal Xubin, idinkoo dega degaanada ugu tirada badan ee hoos yimaada degmada Ceerigaabo, in maanta ay wada hadal la galaan beesha Isaaq waa khatarta ugu weyn ee ku soo socota Bulshada reer Maakhir.
Wada hadaladdii u daxeeyey Somaliland iyo Somaliya maanta waxay noqdeen kuwo caalami ah. Bulshada reer Maakhirna ilaa hadda warbaahinta oo qura ayeey kala socdaan wada hadaladan oo waqooyi iyo Koonfur midna kuma laha xubno uga mid ah wada hadaladan.
Maamulka Hargaysa maanta waxa danahooda gaar ahaaneed uga shaqaynaya wadamo ku yaal geeska Afrika iyo Caalamka intiisa kale, haddii ay ahaan lahayd inay Soomalida kale ka go’aan iyo haddii sadbursi siyaado ah laga siin lahaa Soomaalida inteeda kale, marka ay ku soo laabanayaan.
Maanta Wasiirkii arimaha dibadda Ereteriya ayaa ku sugan Muqdisho isaga oo u socda danaha beesha Isaaq iyo fariintii uu ka soo qaaday beesa Isaaq dhowaan mar uu tegay magaalada Hargaysa oo xarun u ah SNM.
Halka Wasiirkii Ereteriya uu maanta Muqdisho ku sugan yahay, isaga oo ka shaqaynaya danaha Isaaq, waxa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ku sugan Koox ka soo kala jeeda beelaha Warsangeli oo iyagu iskood Nabadoono isugu caleemo saaray, kuwaas oo la shaqaysta Suldaan Siciid oo aan hal malin ka wada shaqayn danta dadka reer Maakhir iyo mid degaanba.
Khatar ka weyni ma jirto wada hadaladdi Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta Caasimadaha aduunka yaala in maanta reer Maakhir ay SNM kula hadlaan Ceerigaabo oo ay golaheeda degaanka ku leeyihiin hal xubin.
Ugu danbayntii umadda Reer Maakhir si ay uga hortagaan arintan khatarteeda lehh ee ku soo fool leh ee Ceerigaabo laga maleegayo waa inay ka hortagaan oo ay codkooda gaarsiiyaan meel walba uu gaari karo. Halka ugu wanaagsani oo aad fariintaada gaarsiin karto waa Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waa in dal iyo dibadna lala xiriiraa wasiirka oo 4.5 Soomaali wax ku qaybsato kugu metela.
Warqad Ceerigaabo lagu saxiixay oo istanbuul iyo Asamara la geeyeey lama aqbali karo .
ALLSANAAG.COM