18th October 2024  admin  Category :

Suldaan Siciid iyo kooxda oo uu Ceerigaabo ugu yeertayba  Isaaq ayaa maalgeliyey, mishiinka saaran oo Ceerigaabo ay ku tageena  Isaaq ayaa leh,metelaada ay Ceerigaabo ku joognaan wa Dilaalinimo.

Gobolka Sanaag waxa laga ciyaaaraa, ciyaar u gaar ah oo la yiraahdo Kor ka bood oo dhagixii cadowgaagu lahaa ama ninka kula ciyaarayey aad ka dul boodaysid.

Kooxdii ku caan  baxday jidka Hargaysa iyo Garowe u dhaxeeya in maalinba midka uu dabka ka shidan yahay ay xawaare ku tagaan  oo ay  cimaamad beeneedka dhigtaan,  ayaa maantana iyaga oo xaraashaya Dhulka reer  Maakhir waxay la yimaadaan riwaayad ka mid ah Korkaboodkii laga ciyaaro gobolka Sanaag.

Degaano ka mid ah gobolka Sanaag maanta  waxa ku soo duulay oo xoog ku jooga  maleeshiyo beeleed Isaaq ah oo ka kala yimid gobolada Togdheer iyo Waqooyi galbeed.

Degaanadaas waxa ka mid ah Yube. Kooxdii Dilaaliinta ahayd intay Yube oo Jibriil Abokar ku soo duuleen ka  dul boodeen ayeey yiraahdeen Ceerigaabo ayaanu  shir Warsangeli ka qabsanaynaa markii ugu horaysay muddo Sodon sano ah.

Ugu danbantii Shirka Ceerigaabo Hindisihiisa, maalgashidiisa, meel marintiisaba waxa leh Muuse Biixi, waxaana uu wakiishay kuwii ku caan baxay inay hadba dhinac u niikiyaan oo ku caan baxay Dilaalnimada iyo shilimo siistaan sharafta, karaamada iyo taariikhda beesha Warsangeli

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*