20th September 2024  admin  Category :

Amni xummida ka jirta caasimadda Muqdisho waa mid sababteeda ay leeyihiin beesha iyadu sheegata lahaanshaha magaalada Muqdisho.  Halla yaabin haddii qof lagu dillo Muqdisho gudaheeda ama lagu qarxiyo gaarigiisa, hoteelka uu ka deggan yahay magaalada ama suuqyada ganacsiga, waxaa ka danbeeya qof deegaanka u dhashay.

Hadaba, waxaa nasiib xummo ah in qaar ka mid ah xisbiyada Muqdisho ka dhisan ay canbaareeyaan dawladda oo ay ka mid yihiin Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Cosoble iyo Ca/raxmaan Ca/shakuur, iyadoo ay beeshoodu tahay midda ka danbeeysa dillalka iyo qaraxyada.

Waxaana dhab ah in qaraxyadii faraha badnaa iyo dillalkii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay gudaha Muqdisho ay mas’uul ka yihiin siyaasiyiin iyo dadka u dhashay beesha USCda oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ku ah dawladda ee laga seexan waayey habbeen iyo maalin.

Ma dhici karto in Garoowe, Hargeeysa iyo Baydhabo ay dad aan u dhalan deegaanka ka geeystaan dilal iyo qaraxyo dhaca maalin kasta. Waxa kalliya ay qaraxyada iyo dillalka ay ku socon karaan waa iyadoo dadka deegaanka ay qeeyb ka yihiin falalkaas arxan darradda ah. Midda Muqdisho ka dhaceeysa waa mid ay ka danbeeyaan beesha ku abtirsata USCda odayaashooda, siyaasiyiintooda, culimadooda, iyo dhalinyaradooda, iyaga ayeey aheed ineey xal keenaan maadaama qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo lagu soo sammeeyo goofafka iyo xaafadaha Muqdisho.

Intaa waxaa dheer, si qalqal loogu abuuro dawladda, ayaa waxaa la soo abaabulay rag ka tirsan deegaanka Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo gobolka Banaadir kuwaas oo sheeganaya in mushaar dhawr billood ah uu ka maqanyahay. Dadkaa sheeganaya mushaarka ma’ahan kuwo u diiwaan gashan dawladda, balse waa dad la soo abaabulay si ay dawladda uga dhigaan mid iyada lacagtii jeebka ku shubatay.

Haddii beelaha ku abtirsada USC ay dhinac wax ka qarxinayaan, dhinacna ay dawladdii ka jahwareerinayaan sidee ayeey suurtagal ku noqon kartaa in amni waara loo hello caasimadda sanka, dhagaha iyo afkaba uu dhiiga ka socdo?

Waxyaabaha cajiibka ah ayaa waxaa ka mid ah in xildhiibaan Mahad Salaad oo ka mid ah shaqsiyaadka u taagan burburinta dawladda ayaa qaraxii Khamiistii ka dhacay magaalada Muqdisho ka dib tagay isbitaalada Digfeer, Daarul-shifa iyo Banaadir si uu u soo tira koobo inta dhimatay iyo inta dhaawacantay ma’ahan in uu dhiig u soo shubayo dadka dhaawacmay ama uu nacfi kalle uu u geenayo, balse waa si uu ugu eedeeyo Farmaajo oo aan goofka u dhalan.

Hadaba in Muqdisho amni xummo ay ka dhacdo mas’uulayadeeda waxaa iska leh beelaha ku abtirsada USCda, haddii aysan USCda wax ka qaban amni xummida ka jirta Muqdishana, waxa ay ahaan doontaa magaalo sidaa loogu dhinto maalin kasta taas oo awal caalamka loogu yaqiin intii burburka uu dhacay ka dib magaalada ugu halitsta badan adduunka, maantana waxeey noqon doontaa magaalada ugu dhimashada badan caalamka.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*