23rd December 2024 admin Category :
In Laascaanood laga xoraynayo SNM, waxaad ku ogaan lahayd 17 Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante ku leeyihiin baarlamaanka Puntland oo ka jawaabi lahaa Cabashiidii Beesha Axmed Harti oo taariikhdu markii ugu horaysay ka codsaday in caddalad darada ay beesha Majeerteen ku sameeyeen ay wax ka qabtaan oo ayna ansixin golaha Wasiirada ay soo dhiseen Madaxweyne Deni iyo Cabdiraxmaan Faroole
Golaha wasiirada cusub ee Puntland oo u badan Aaran jaan, ayaa intoodooda badani ay magcyadooda soo gudbiyeen kuwii diidanaa in Laascaandood laga xoreeyo SNM, dhowaana ugu baaqay in Beesha Isaaq isaga baxaan Tukaraq oo gobolka Sool intiisa kale ay sii haystaan.
Beesha Tiinle ee Axmed Harti, ee aan xad la lahayn Beesha Dhulbahante, ayaa maamulka Puntland Horay ugu lahaan jirtay wasiir ku xigeen, halkii wasiir ku xigeen ay ku lahaayeen maamulka Puntland ayaa la siiyey Mid ka mid wiilasha uu Sodoga u yaay madaxweynaha Cusub ee Puntland.
Markii arintan Foosha Xun dhacday , ayaa Beesha Tiinle ee Axmed Harti waxay Baaq u direen Xildhibaanada beelaha Dhulbaante iyo Warsangeli, iyaga oo ka codsanaya inay caddlad ahayn in mid ka ah beeliihii Puntland wada dhistay ay ka helaan golahaa wasiirada ku dhowaad 20 , iyaguna wasiir ku xigeenki ay ku lahaayeen dawladda laga qaado. ” Hartoow idinka oo caddaalada walaalnimo eegaya yaan la ansixin dawladda xaaranta oo ay soo dhiskeeda ay saamayn ku lahaayen ihiin kuwo xaaraamiyiin ahaa ee reer Puntland horay u kala diray “.
17 Xildhibaan ee ka soo jeeday beesha Dhulbahnate, sagaalkii ka soo jeeda beesha Warsangeli iyo 33kii ka soo jeeday beeshii Majeerteen ee madaxweyne Deni iyo Faroole, dheg jalaq uma siin cabashadii beesha Tiinle. 17+9+33= 60 waxay beeshii Tiinle kadoorteen Aaran Jaan.
Ugu danbayntii, Puntlandta wada socota oo Laascaanood Xoraynsa xagee ka imanayaan . Siyaasiyiinta beesha Majeerteen iyo Faroole waa igu talo galeen in sidani inay dhacdo oo ay reer Puntland is nacaan . Waxaana mar kale loo adeegsaday arintan in beesha Isaaq sii haysto Laascaanood Xildhibaanada Dhulbahante oo qaarkood joogeen maalintii la qabsaday
ALLSANAAG.COM