25th October 2024  admin  Category :

Musharaxiinta Muqdisho iyo Mooshinlayda Baydhabo maxaa ka dhaxeeya?

Labadan kooxood maxay kala yihiin?

Musharaxiinta Muqdisho waa koox ka soo wada  jeeda beesha Hawiye, Abgaal oo aaminsan cid aan Abgaal ahayn inaanay Soomaaliya Madaxwene ka noqon karin, inta Muqdisho tahay caasimadda Soomaaliya . Kooxdan waxa ugu caansan Xasan Culusoow, Sheekh Shariif iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Kooxda labaad ee Mooshinlayda Baydhabo,  iyagu waxay  ka soo jeedaan beelaha Digil iyo Mirifle,  baarlamaanka Soomaaliya waxay ku leeyihiin  61 Xildhibaan. 61 Xildhibaan codkoodu  ma kala haro,  oo meel ayuu wada aadaa had iyo jeer codkoodu wuxuu aadaa halka ay lacagtu taalo . 16 Sano ee baarlamaanka Soomaaliya soo jiray marna uma ayna  codayn arin wax tar u leh Qaranka Soomaaliyeed. Kooxdan waxa ugu caansan Shariif Sakiin, Xaabsade, Nuunoow iyo Jawaari.

Kooxdan Mooshinlayda,  Bulshada ay magacooda ku joogaan Baarlamaanka Soomaaliya, waa bulshada ugu badan ee ka barakacday degaanadoodii sida  Bay iyo Bakool , Waa Bulshada loo samaystay ama lagu ururiyey xeryaha Muqdisho si lacag looga sameeyo.

xasan

jibriil

https://youtu.be/r684sW4TozQ

 

Lacagtii laga sameeyey Barakacaayasha Xeryaha Muqdisho ku jira, oo ahayd  lacagtii bulshada caalamka ugu deeqeenin lagu quudiyo. Hase ahaatee laga dhacay  ,  ayaa maanta la doonayaa in lagu laaluusho Xildhibaanada Mooshinlayda ee ka soo jeeda Bay iyo Bakool.

Ugu danbayntii Soomaaliya madaxweyne waxa ka noqon kara oo qura cidda ka qoslisiisa  61 Xildhibaan ee beelaha Raxanweyn oo codkoodu hal meel wada aadayo

Musharaxiinta Muqdisho oo u tartamaya madaxweynaha Soomaaliya  waa kooxda qura oo ka qoslisiin  karta Nuunoow iyo Shariif Sakiin, sidaas awgeena madaxweynaha soo socda wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah Musharaxiinta Muqdisho. Maalinta madaxweynaha la doortana waxa xigi doona Mooshinaddi lacagta lagu urursan jiray

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*