25th October 2024  admin  Category :

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Ergiga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana sii shaqeeyn karin. Qoraalkan ayaa ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Ergiga ayaa dhawaan u qoray warqad wasiirka amniga si uu ugga soo jawaabo wixii ka dhacay magaalada Baydhabo. Dawladda oo aan rabbin ineey ka jawaabto musqumaasuqii iyo fool xummadii ay ka geeysatay Baydhabo ayaa door biday ineey Ergiga Qaramadda Midoobay ay dalka ka mamnuucdo inuu ka sii shaqeeyo maadaama aysan jecleeysan in wax laga weeydiiyo ciidankii Itoobiyaanka ee Baydhabo ku soo qabtay Mukhtaar Rooboow iyo arrimihii kalle ee musuqmaasuqa ahaa ay ka geeysteen Farmaajo iyo Kheeyre.

Dawladda federaalka ayaa Baydhabo geeysatay musharax ay iyagu wateen kaas oo la siiyey lacago uu doorashada ku gallo, gawaari aan xabbadu karin, ciidankii iyo hubkii loogu tallagalay difaaca dalka, waxaana ku naf waayey dad kor u dhaafaya 20 qof. Dawladda Federaalka ayaa waxaa hoggaanka u qabtay koox qaswadayaal ah oo ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheeyre kuwaas oo dalka dib uggu celliyey burbur hor leh.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*