25th October 2024  admin  Category :

Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan
November 18, 2018
Maalmahaan waxaa warbaahinta aad looga hadal hayey shaqaale iyo askar loo xiray Musuq awgiis

Tusaalihii u dambeeyay wuxuu ahaa askar mushaarkoodu ahaa 100 doollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay ay Booliska iyo Militariga ka qaateen.

In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Soomaalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya inay haystaan garab ay isku hallayn karaan. Arrintaan waxaa ka dhalan kara

Ciqaab iyo caro ka timaadda Ilaahay
Inay yaraato kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan dawladda
Inaan madaxda dawladda marka ay Musuqa ka hadlayaan aan dheg loo jalaqsiin
Inay dhiirrogeliso in tuugada waaweyn ay ku dhiiradaan xatooyada xoolaha dadweynaha

Sida ay dad badan la socdeen waxaa Wasaaradda Maaliyadda ka dhacay Musuq baahsan oo markii uu soo shaacbaxay Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay 3 nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda

Sidee wax u dheceen? Yaa qaata? Xaggee ka qaataa

Magac Haya’dda uu lacagta ka qaato Jago/title Lacagta/bil Sanad Wadar/sanad
1. Liban Obsiye African Development Bank Policy Advisor $10,000.00 $120,000.00
Wasaaradda Maaliyadda La Taliye $4,000.00 $48,000.00
Wasaaradda Arr. Dibadda Qunsul $1,200.00 $14,400.00
$182,400.00

2.Nur Ali Omar (Dubad) World Bank Communications & Reporting $7,500.00 $90,000.00
Wasaaradda Maaliyadda La Taliye $4,000.00 $48,000.00
Wasaaradda Arr. Dibadda Shaqaale $700.00 $8,400.00
Wadar $146,400.00
3.Abdullahi Hussein Nor World Bank Administrative Assistan $3,750.00 $45,000.00
Wasaaradda Maaliyadda Baratakoolka Wasiirka $3,000.00 $3,600.00
Wasaaradda Arr. Dibadda Shaqaale $700.00 $8,400.00
Wadar
$57,000.00

Saddexdooda sanadkii waxa qaataan 385800.00 (saddexboqol sideetan iyo shan kun iyo sided boqol

Hanti dhowrka qaranku wuxuu baaritaan ku waday kiisaskaan musuq maasuq .

Kiisaskaan ayaa ahaa mushaaraaad iyo gunooyin ay ka kala qaadan jireen Wasaarada Maaliyada, Arimaha Dibada, Safaarada Sweden, Baniga Aduunka, iyo Bangiga Afirka, lacagtaan oo qaarkood la daanayey mudo 2 sano ah.

Dhacdadaan Musuq Maasuq ee foosha xun oo lagu dhunsaday lacag gaaraysa 385,800.00 sanadkiiba mudadaas ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed ma helin cadaalad la horkeeno arintaan oo si cad u muuqata lana hayo cadymihii ducomentiyada lagu qaatay lacagaahaas.

Arrintaan waxay noqonaysaa mid lagu ogaado in ay Xukuumadda ka dhab tahay inay Musuqa la dagaasho iyo in kaliya looma Ooyaanka la ugaarsanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*