29th November 2024 admin Category :
Sababtii uu shaqda uga eryey Bashiir Gurxan mid la mid ah ayuu ku kacay, Baarlamaanka Puntland maxay samayn doonaan?
Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa horay xilka uga qaaday Wasiir Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland, Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan, waxaana xilka looga qaaday warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka.
Bashiir Gurxan ayaa waqtigas waraysi uu siiyeey Radio Daljir KU SHEEGAY inuu taageersan yahay mowqifka DFS ee xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo dhiibista Qalbidhagax loo dhiibay dowladda Itoobiya. Wasiir Gurxan ayaa yiri, “Puntland waa ay soo dhaweysanaysaa in Qalbidhagax loo gacangaliyo Dowladda Itoobiya,”
Maanta madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay inuu soo dhowaynanyo Fargelinta qaawan iyo federaall diidka ay Villa Wardhiigleey ku hayso maamulka Puntland iyo bulshada reer Puntland.
Mdaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu gabay howshiisa , iyo shaqadiisa isla markaasna wuxuu dacalka heeysta shaqada madaxweynihiisa , waana xad gudub haddalada foosha xun ee uu meel Uga dhacahayo maqaamka madaxweynaha puntland.
Ugu danbayntii haddii Wasiir Bashiir shaqadiisa ku waayey taageeridii uu taageeray Vilaa Soomaaliya waa in sidoo kale Mudane Camey isagana Mooshin laga keenaa oo xilka laga qaadaa intaanu fariimo kale ka soo qaadin Villa Wardhiifleey