28th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Gaas iyo Khaliif Ciise Mudan midkood ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Puntland

Khaliif Ciise Mudan, waa Murashaxa ay madaxweyne Gaas isaga hor iman doonaan wareega ugu danbeeya  ee isreeb reebka   doorashada soo socota ee maamulka Puntlan, sida saadaasha Allsanaag oo xogo badan soo ururisay sheegayso.

Khaliif Ciise Mudan inkasta oo ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud  ee Majeerteen kama mid ah,  kamana mid ahayn qaswadayaasha  Haraagii Jaamac Cali Jaamac oo qaarkood aaminsan  inay tahay waqtigii ay iyagu qaban lahaayeenmhogaanka Puntland .

Mudan, wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii ugu horaysay ee aaminay degankooda oo maal gashaday Puntland  burburkii Soomaliya  ka dib, Waxa lagu xasuustaa in shaqaalihii uu qoran jiray waqtiyadaasi  ay ahaayeen dhamaan umadda ka soo jeeda Puntland oo qaarkood fursaddii ay maalintaa  heleen ay maanta ka mid yihiin madaxda Puntland iyo aqoonyahanada Puntland.

Khaliif Ciise Mudan, burburkii Soomaaliya  ka hor wuxuu ahaa Madaxdii ciidamada qalabka siday ee dawladda Soomaaliya, gaar ahaan sooma jeestayashii Diyaaradaha dagaalka duulun jiray

https://allsanaag.com/gaas-yuu-xilka-ku-wareejinayaa/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*