Somalia oo laga reebay ka qeybgalka Shirka nabadeynta Itoobiya & Eriteriya
Boqorka Sucuudiga ayaa madal lagu dhameeystirayo heshiis dhowaan ay gaaraan ka fidiyay dalkiisa Sucuudiga.
Madashaasi lagu dhameeystirayo heshiiska Itoobiya iyo Eretirea ayaa waxaa lagu casuumay Qaar kamid ah wadamada Afrika.
Dawladda Soomaaliya ayaan shirkaasi lagu casuumin.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay wado Dadaal dib u heshiisiin ah oo ay ka dhexsameeyneeyso Qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika oo muddo colaad dhaxtaalay.
Dhowaan Madaxweynaha Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay ka qeeybgalay shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee ka dhacay Adis Ababa.