30th April 2024  admin  Category :

Dumar. Caruur iyo waayeel ka soo jeeda degaanka Tuli-Guuleed ee Somali galbeed oo ay degto  beesha  Geri Koombe ayaa argagixiasada Oramadu xasuuqeen

 Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh.

Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga.

Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda.

Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga.

Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada.

Jigjigo-1-1.jpgJigjigo-2.jpg Jigjigo-3.jpgJigjigo-4.jpg

Jawaar Maxamed oo ah Mooryaanka Ormada, oo markii ay xukunka Itoobiya ay  Oramadu qabsadeen bilaabay bara kicinta Qowmiyadaha kale ee Itoobiya,  ayaa xaflad weyn loogu  sameeyey dhacdadii ka dhacday JIgjiga iyo degaanka Soomaalida Itioobiya. Ninkan oo haysta dhalasho Maraykan ah , oo ay aad u dhagaystaan Oramadu ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisu  waxay bilaabeen inay ku   heesayaan Soomalida ha la xasuuqo. Heestan markii la qaaday 700 oo qof ayaa lagu xasuuqay TulliGuuleed.

Oramada u oo u dabaal degaysa xariga Cabdi Ileey

https://allsanaag.com/jooji-soomaalida-aad-dilaysaan/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*