22nd October 2024  admin  Category :

Waan xasuustaa maalintaan Calanka Nigerya aan  sameeyey

Sanadkii 1959kii, sanad ka hor xornimadii Nigeriya , arday 23 jir ah ayaa sameeyey calanka dalkiisa maanta lagu aqoonsado

 

Michael Taiwo Akinkunmi wuxuu cilmiga Injineernimada ka baranayey Norwood Technical College ee London  markuu arkay Joornaal lagu xayeesiinayo samaynta Calanka Nigeriya yeelan doonto

Tartankii ayuu ka qayb galay oo naqshaddii uu sameeyey ayuu u diray Lagos , sanadkii danbe bishii October wuxuu helay warqad lagu casumay, taas oo loogu sheegay in calankii Cagaarka iyo cadaanka ahaa ee uu sameeyey loo  doortay Calanka Nigeriya . Wuxuu ku guulaystay 100 pounds oo la mid ahayd $ 281 sanadkii 1959.

Akinkunmi hadda waa ka  howl gab shaqadii uu dalka u hayey ee Injineernimada wuxuuna degan yahay xaafadaha ugu saboolsan Ibadan, guri ku xardhan Cagaar iyo cadaan kaas oo lagu tegi karo oo qura adiga oo u lugeeya.

Malaha telefoon gaari uu lahaadana waxa ugu danbaysay 1990,

Mar uu u socdaalay Abuja sanadkii 2014, oo halkaa madaxweynihii hore Goodluck Jonathan uu ku gudoonsiinayey bilad sharaf  . Ayaa waxa loo qoray Mushahaar inta uu nool yahay – oo gaaraya 800,000 naira una dhiganta $4,000, hadda lacagtaasi bil walba  waxay ku dhacdaa Akoonkiisa

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*