30th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Salaada Ciidul Adxaa La tukaday Shacabka Casimada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 21 August 2018 la tukaday salaadii ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan caasimada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe.
Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, Marawada Madaxweynah Drs. Hodan Siciid Ciise, oo qaybta dumarka kula tukatay salaada, Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Dowladda Federaaka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dowladda Puntland.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada ciidul adxaa hadalo kooban ka jeediyey ayaa Hamablyo u diray dhammaan Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan Shacabka reer Puntland, waxaana uu Shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan munaasibada ciidul Adxaa darteed, waxaana uu yiri:-

 

“ Ciid wanaagsan waxaan ku farax-sanahay in aan maanta iskugu nimaano munaasabadda Ciidul adxaa, waxaan ilahay uga rajaynayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland meel kasta oo ay joogaan in ay ku ciidaan amni, wadajir iyo midnimo, waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidamada Puntland meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo ilaalinaya sugayana nabadgalyada gudaha iyo dibadda labadaba, waan ku bogaadinayaa difaaca qaran ayaga iyo qoysaskoodaba , Illaahay waxaan ka rajaynayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaar siiyo nabadgalyo iyo amni , waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa gudoomiye xigeenka aqalka sare e DFS waxaan leeyahay ku soo dhawoow dalkaaga, waxaa aad looga hadlay amniga waxaan leeyahay Puntland waa amni inkastoo beryahaan dambe cadow iskaashaday oo ka imaanayey dariskeena, shabaab iyo daacish, waxaan leeyahay oo aan cadowga u sheegayaa, shacabka Puntland waa ku filan yihiin in ay iska difaacaan cadowgooda, waan ognahay oo xidhiidh baa ka dhexeeya shabaab iyo dariskeena caqliga saliimka ah ayaa inoo sheegaya in shabaab iyo daacish ay dadka qaarna laayaan qaarna xagtin aysan gaarsiin, waxa ugu daran oo aad ka baqdaa waa baqdinta lafteeda, waxaa la idinka doonayaa in aad iska difaacdaan cadowga oo aydaan dheg jalaq u siin, waan ka adkaananaa wakhtigoodiina waa gabaabsi, waxaa moodaa in dhibtoodii sii dhammaanayso, waana marka ay ugu shido badan yihiin, waxaan idinku bogaadinaya in aad la shaqaysaan ciidanka Amniga, wqaxaan idiin rajaynayaa in aad amni ku noolataan ciidaan ciideeda kalena barwaaqo ku gaartaan, Ciid Wanaagsan”.

 

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan barwaaqo, wadajir, midnimo iyo amni waara.

 

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*