Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu Berri booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.
Mudane; Geelle oo la hadlay war-baahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Madaxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.