27th December 2024 admin Category :
Booqashadii uu shalay ku tagay nawaaxiga Tukaraq Ahmed Ismaaciil Samatar, waxeey aheed daandaansi aad u weeyn oo uu kulla kacay shacab weeynaha beelaha Harti, isaga oo wellibana u geeyay sahay ciidanka maamulka Hargeeysa ee duulaanka ku soo qaaday gobolka Sool, si ay u sii heeystaan deeggaanadaas.
Hadaba, waxaa looga baahan yahay shacabka Puntland ee ku suggan gobolka Minnesota in ay xiriir la sameeyaan koleejka uu ka shaqeeyo Ahmed Ismaaciil Samatar kaas oo la yiraahdo magaciisa Macalester College, waana in la tusaa muuqaalada isaga oo dhiiri gellinaya ciidanka SNMta ee jooga nawaaxiga Tukaraq sidii ay u sii heeysan lahaayeen deeggaanadaas. Sidoo kalle, waa in dacwad laga dhigaa maxkamadaha gobolka Minnesota iyo welliba heer federaal taas oo lagu eedeeynayo in uu qeeyb ka yahay dagaalada qabiil ee ka socoda dalka Soomaaliya.
Ahmed Ismaaciil ayaa u ol’oleenaya maanta sidii Soomaali loo kalla jari lahaa iyo sidii ay maamulka Hargeeysa u noqon lahaayeen wadan, wuxuuna soo qaataa mar walba tusaalooyin aan la barbardhigi karin midda ay goosashada ku doonayaan beesha Isaaq, tusaalooyinka uu soo qaatana waxaa ka mid ah kalla go’aydii Inida, Pakistan iyo Bangladhesh iyo welliba kalla tagii Midowga Soofiyeeti. Waxaa dhab ah in beesha Isaaq oo kalliya ay tahay midda dooneeysa goosashada, mana ahan mid ay u dhan yihiin qabiilada deggan dhulkii uu goomeeystaha Ingiriiska ka tagay ee “British Soomaaliland.”
https://youtu.be/S5fDwDoxBhU
Allsanaag.com