23rd December 2024 admin Category :
Siyaasiyiinta Hawiye qaarkood goormay Ilmada Yaxaaska ee lagu bartay joojinayaan
Shan sano ka hor, siyaasiyiinta , nabadoonada, Qurba joogta, iyo Siyaasiyiinta Hawiye intooda badan waxay lahaayeen oo warbaahinta ka sheegi jireen in gobolada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose lagu soo duulay oo beel ka timid Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ku habsatay.
Marka ay sidaa lahaayeen waxay xaquuqdooda Soomaalinimo iyo mid degaanba inkirayaan Kumaakun Soomaali ah oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen oo boqolaal sano deganaa gobolada Jubbada hoose iyo Jubadda dhexe.
Maanta nimankii cunaqabataynta ku hayey kumaakun Soomaali ah , oo u diidanaa in maamul loo sameeyo Jubbaland, lagana dul qaado alshabaabka dhibaatada ku hayey ayaa waxay doonayaan in Qarnkii Soomaaliyeed ay ku burburiyaan Qalbi dhagax oo ka soo jeeda beeshii ay shalay lahaayeen waa Amxaaro, oo xitaa muranka geliyey cidda qaadan karta Jinsiyadda ” Soomaalinimada, iyaga oo ujeedadoodu ahayd in Beeshani ahayn Soomaali”. Waa kuwii shalay lahaa ONLF ha iska dhigaan magaca ” Ogaadeen”
Mahad Salaad, Fiqi iyo siyaasiyiinta kale ee beesha Hawiye ee dawlad walba ku mucaaradka ah waa kuwii qaranka Soomaaliyeed halka uu maanta yaalo dhigay. Maanta in nin ka soo jeeda Beesha Daarood ay ilmada yaxaaska u daadiyaan, waa mid la mid ah riwaayadahoodii, USC, Maxaakiimta, Muqaawimada, isbedel doonka,alshabaab, Ahlu suna iyo Damul jadiid oo ay intaba ku metalayeen inay yihiin Wadaniyiin. Waa kooxdii 500 ee Xildhibaan la yimid si ay u inqilaabaan dawladdii Cabdulaahi Yuusuf Allah ha u naxariistee. Waa kooxdii intii Xasan Culusoow iyo Sheekh Shariif ay xilka hayeen ahaa madaxdii ugu sarsaraysay dawladda Soomaaliy