24th November 2024 admin Category :
Xildhibaan xaaraan ku jooga Aqalka sare oo ka digtay in la hakiyo deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee ka soo jeeda Beesha Isaaq ayaa ku booteeyey in dhibaato ka dhalan karta haddii dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiso deeqaha gaarka ee Beesha Caalamka siiso SNM.
Xildhibaanada ka soo jeeda beesha Isaaq oo shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka isku raacaan in la hakiyo deeqaha la siiyo SNM.
Senator Nuurto Faarax Jimcaale, ahna xaaska Xildhibaan Dalxa oo Xaaraan ku joogta Aqalka Sare ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in la fogeeyo arrinta Somaliland
“In maamul goboleedyada ay yiraahdaan Somaliland waa in laga joojiyaa wixii caawimaad ee la siinayay, taas waxay keeni kartaa cawaaqib xumo horseedi kara in Soomaaliya kala tagto, waxaana aaminsanahay in taasi ay tahay mid lagu fogeynayo arrinta Somaliland”ayay tiri Senator Nuur Faarax.
Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed ayaa qoraal uu dhowaan u diray Beesha caalamka ka dalbaday in aan la cusbooneysiin nidaamka sida gaarka ah lagu taageero SNM, kaasoo soo bilowday sanadkii 2013, xilligaasoo la bilaabay barnaamijka New Deal, iyadoo Somaliland si gaar ah loo naas nuujin jiray.
Maamul goboleedyada ayaa qoraal ay si wadajir u soo saareen ku taageeray qorshaha dowladda Federaalka ku hakineyso deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland, iyagoo caddeeyay in arrintaas ay halis ku tahay qaranimada Soomaaliya.
Degmooyinka Dhahar, Badhan, laasqoray iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, iyagu Kuma laha xildhibaan ku metala aqalka Sare oo waxa ka musuqmaasaqay xiligii la xulayey Jamac Maxamed Qaalib oo ahaa gudoomiyihii soo xulayey Xildhibaanada gobolada waqooyiga Soomaaliya
Aqalka sare / 8 Kursi
Cidagale / 1
Sacad Muuse / 1 Kursi
Ciisa Muuse / 1 Kursi
Habar-Yoonis / 2 Kursi
Habar-Jeclo / 2 Kursi
Arab / 1 kursi
Warsangeli Cumar/ 0
Warsangeli Dubays/ 0
Beesha SAMAROON
Aqalka Sare / 2 kursi
BEESHA CIISE
Aqalka Sare / 1 Kursi
Kuraasta Sida ay xaaraanta ugu heshay Nuurto iyada oo kaalmo ka helaysa Jaamac Maxamed Qaalib iyo Dalxa