26th November 2024 admin Category :
Weriyaasha iyo Farshaxanada Koonfurta Soomaaliya aqoon daro weyn ayaa ka haysta gobolada waqooyiga Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay dawladda federaalka Soomaaliya oo ay kaga hor timid ka hortimid in la sii wado naas nuujinta gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray, oo Bulshada Soomaaliyeed intooda badan ay soo dhoweeyeen ayaa warbaahinta Koonfurta Soomaaliya waxay soo qorayaan sidan ” Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato.
Hadaba waa ayo Somalilandta doonaysa inay sii fogaato oo ku dulman waqooyiga Soomaaliya?
Lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland
Hargaysa oo ka mid ah degmooyinka Waqooyi galbeed waxay ka heshaa deeqaha Caalmka % 46. Waxa dega Dirta waqooyi
Berbera oo ka mid ah degmooyinka waqooyi galbeed saamiga ay ka hesho deeqaha caalamku ku bixiyo Somaliland waa % 14. waxa dega Dirta waqooyi
Gabiley oo ka mid ah degmooyinka gobolka Waqooyi galbeed lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland wuxuu ka helaa %9
Gobolka Togdheer lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland wuxuu ka helaa %16. Waxa dega Dirta Waqooyi
Gobolka Awdal lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland wuxuu ka helaa %5. Waxa dega Dirta waqooyi
Gobolka Sool lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland wuxuu ka helaa % 5. waxa dega beesha Daarood.
Gobolka Sanaag Lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland wuxuu ka helaa % 5. Degmooyinka ugu badan waxa degan beesha Daarood, hase ahaatee %5 waxa la geliyaa Yufle, Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn
Marka laysku daro beelaha daarood ee dega waqooyiga Soomaaliya lacagta Caalamku ku bixiyo magaca Somaliland waxay ka helaan 4%
Degaanada ay degto beesha Habar Awal ee uu ka soo jeedo Muuse Biixi waxay ka helaan deeqaha caalamka %69