29th November 2024 admin Category :
Guddiga la magcaabay waxa ugu horeeya afhayeenkii hore ee golaha Maxaakiimta iyo Afahayeenkii hore ee SNM
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu magacaabay “guddi heer Qaran” ah oo ka kooban Toban Xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.
Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-
1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta. Abgaal , Hawiye , Ahayeenkii hore ee Maxaakiimta Guddoomiye
2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga. Dir, Isaaq Xubin Afhayeenkii hore ee SNM
3-C/raxmaan Ducale Beyle , Wasiirka Maaliyadda. Dir, Godabiirsay Xubin
4- Xasan Cali Maxamed , Wasiirka Gaashaandhigga. Raxanweyn Xubin
5-Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Amniga gudaha. Abgaal, Hawiye Xubin
6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda. Yaxar, Dir Xubin
7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka. Surre, Dir Xubin
8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha. Dir, Isaaq Xubin
9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir. Abgaal, Hawiye Xubin
10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam. Xoghaye guud