29th November 2024 admin Category :
Munaasabad lagu dhaarinayey Jabhadka SNM Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.
Munasibadda lagu dhaariyey Jabahadka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.
https://youtu.be/c3uRq-Jj9mg
https://allsanaag.com/snm-nabad-iyo-nolol-meel-ma-wada-galaan/