23rd October 2024  admin  Category :

Wasiirkii dagaalka SNM  iyo maleeshiyaadkii uu watay oo ka cararay  magaakada  Hadaafrimo.

Wasiirka dagaalka maamulka SNM Ciise Xawar, ayaa dhowaan sheegay inuu noqon doono  wasiirkii ugu  horeeyey ee ka soo jeeda maamulka SNM ee booqasho ku tegi doona  Degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Wasiirka dagaalka  Somaliland Ciise Xawar ayaa  si dhuumasho ah ku galay Hadaaftimo isaga oo la soo hadlay Suldaan Said Abdisalaam oo Hadaaftimo fadhiisin u ah.

Puntland ayaa ka war heshay markii ay Tuka-raq ka soo Baxeen waxana loo diray Gaadiid Dagaal oo Sanaag joogay.

Saaka lixdii subaxnimo ayaa ciidanka Puntland weerar ku qaadeen  maleeshiyaadkii SNM. 15 daqiiqo ka dib maleeshiyaadkii SNM  oo ka baqay inay ku dhacdo jabkii Tukaraq ka raacay  mid la mid ah ayaa iyaga oo cararaya    Waxay wada galeen oo gabaad ka dhigteen guriga Suldaanka oo markii horeba ay ku sugnaayeen wasiirka iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeday maamulkaas.

Isla maantaba  wasiirkii doonayey inuu Badhan raalin gelinta SNM ku tago,  ayaa Ciidanka Puntland waxa looga baryey inuu ka soo baxaan  Guriga Suldaanka oo loo ogolaado inuu Hargaysa ku laabto.

Maamulka Puntland iyo hogaanka Ciidanka Puntland waxay  ogolaadeen in Ciise Xawar iyo maleeshiyaadkiisu  ay galbeed ku laabtaan, laakiinse odayashii degaanku waxay ka diideen Ciidanka Puntland  in Ciise Xawar iyo maleeshiyaadkiisa ay hub ka dhigis ku sameeyaan

Ciise sawirkii uu doonayey inuu ku galo Badhan oo beelaha Isaaq ku raali geliyo , galabta wuxuu ku galay beerta xoriyadda ee Ceerigaabo

ALLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*