25th October 2024  admin  Category :

Imaaraadka oo Muqdisho ka ranaya hanbadii uga soo hartay bililiqadii loo gaystay xafiisyadooda

Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku xirtay Dekeda  magaalada Muqdisho, kaasoo lagu wado in lagu raro alaab ay leedahay Imaaraadka oo maalmihii la soo dhaafay laga soo daabulayay xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho oo ay ka socdeen bililiqo

Markabkan oo faaruq ah laguna magacaabo MV Jabel Ali 7 ayaa ka dalbaday Maamulka Dekeda in la siiyo boos uu ku xirto.

Wararka ayaa sheegaya in alaabo waa weyn oo ay ku jiraan Kunteenaro lagu rari doono, kuwaasoo ka mid ahaa agabyo ay Imaaraadka Carabta kala baxayaan magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa la sheegay in Maamulka Dekeda inay u gudbiyeen warqad ogolaansho ah oo laga soo siiyay Wasaaradda Amniga, taasoo loogu fasaxayo inay raran karaan alaabtooda.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la arkayay Gawaari xambaara kunteenaro oo agabyo ka daabulayay xerada Tababarka ee Jen. Gordon ee ku taal degmada Hodan, halkaasoo ay maamulayeen Imaaraadka Carabta.

Agabyadii u yiil xerada tababarka ee Jen. Gordon iyo alaabihii yaallay xarumaha caafimaadka ayaa la isugu geeyay xarunta Safaaradda, halkaasoo lagu wado in dhowaan laga qaado, lana geeyo Dekeda Muqdisho, si loogu raro Markabka taagan.

Lama oga tallaabadan bilowga ah inay keeni karto in gebi ahaanba Imaaraadka ka guuro Muqdisho, iyadoo dhowaan Imaaraadka Carabta ku dhawaaqay inuu joojiyay howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya ay siin jireen, taasoo qeyb ka aheyd mushaarka illaa labo kun askari oo ay horay u tababareen.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday, wixii ka dmabeeyay markii diyaarad ka diwaan gashan Imaaraadka lagu xayiray garoonka Muqdisho 8-dii bishan, iyadoo lacag ay siday diyaaradaas ay la wareegeen Ciidamada Ammaanka, waxaana tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*