25th October 2024  admin  Category :

Murashaxa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, oo shir jaraa’id caawa warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedka dhammaday ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo cidda xilka sii hayn doonta inta laga helayo dowlad rasmi ah.

Farole, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh wixii ka dambeeya 12 Habeenimo taariikhduna noqon doonto 11 September, 2016 uusan ahayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, balse ka mid yahay murashaxiinta islamarkaana loogu yeeri doono madaxweynihii hore ee dalka.

Wuxuu ugu baaqay inuu xilkaasi ku wareejiyo Guddoomiyaha Barlamanka, kaasoo u ogolaanayo Dastuurka dalka, wuxuuna sheegay in mudadii uu dalka u talinayay Xasan Sheekh aysan jirin wax hormar ah oo la sameeyay, isagoo Afartaas sano ku macneeyay; Afar Sano oo khasaaro ah, NGO, Bililiqo, Awooddii Barlamanka oo laga tallaabsada iyo ku noqosho nidaam qabali ah.

Dr. Farole, ayaa soo hadal qaaday dhismaha Aqalka Sare isagoo sheegay in xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland lagu hishiiyay in lagu saleeyo Gobollada dalka islamarkaana noqdaan 18 xubnood, kaasoo xusay inuu ku qeexanyahay Dastuurka KMG ah.

Madasha ayuu ku dhaliilay inaysan qaadan labo go’aan oo Dastuurku u ogolaanayo, balse taa badalkeeda ay fureen Sicir barar siyaasadeed, isagoo caddeeyay inaysan ka wakiil ahayn umadda Somaliyeed, wuxuuna maalinta carrafo oo Bari ku beegan awgeed ALLE ka codsaday inuu dalka ku aadiyo hogaamiyo daacad ah oo marxaladda adag waddanka ka saara.

Shirka IGAD iyo xirnaanshaha waddooyinka ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna kasoo horjeestay in umadda Somaliyeed lagu ciqaabo caasumadda Somalia.

“Maalmihii ciidka ayaa lagu jiraa, haweenkii carruurtooda wax usoo gadan lahaa, waalidkii, Odaygii shaqo tagi lahaa, dadkii iskusoo laaban lahaa, suuqyadii iyo dadkii maciishadda keenay, qofkii jiran ee isbitaal la gayn lahaa, meel loo maro maleh. Waxaa la yiri magaalooyinkii waa la xiray oo imisay xirnaanayaan, oo maxaa shirka loo qabanayaa hadii ay sidaa tahay maa magaalooyinka dalka lagu qabto, ma joogtaa qiimahaas iyo in dadkii Somaliyeed lagu ciqaabo, in shir IGAD lagu qabto, maamul goboleedyada ha lagu qabto, waxaan filayaa Cadaado baa ugu yar, iyada maa lagu qabto waddooyinna la xiri mayo amniga waa la sugay, hadii Garowe, Kismayo ama Baydhabo,”Sidaas waxaa yir Murashax Farole.

Wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka fekeraan dadka Xildhibaanada ay ka dhiganayaan isagoo Odoyaasha ka dalbaday inay keenaan dad katalin kara aayaha dalka.

Beesha Caalamka ayuu carrabka ku dhuftay isagoo ugu baaqay inay farogalinta ka daayaan arrimaha Somalida, isagoo taa badalkeeda xusay in Somali wexeed dhammaysan karto kuna hishiin karto.

Hadalkan Farole, ayaa ku biiraya dalabyo ka imaanayay murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, kaasoo Xasan Sheekh laga codsanayay inuu kursiga ka dago maadama waqtigiisii dhammaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*