31st October 2024  admin  Category :

Markii madaxiisa la qalay oo maskaxdiisa banaanka la soo dhigay,  ayaa dhakhtarkii qalayey wuxuu ogaaday in ninka mindidu ay  dul saran tahay uuna ahayn ninkii jiranaa.

Cisbitaalka Kenyatta Nation Hospital ee magaalada Nairobi,  ayaa waxa la keenay  labo qof oo bukaan socod ah oo labduba ka xanuunsanayaan dhanka  madaxa.

Bukaan socodka kowaad, isaga xanuunkiisu waa yaraa oo maskaxda ayaa xoogaa barartay, wuxuuna u baahnaa  qaliin yar.

Halka Bukaan socodka labaad uu isagu   dhiigii maskaxdu uu xinjiroobey  oo u baahnaa qaliin weyn.

Shaqaaliihii Cisbitaalka ayaa isku khalday magacyadii  labada bukaan socod

Bukaan socodkii xanuunkiisu yaraa ayaa magaciisa lugta luugu xiray inuu yahay kii dhiiga maskaxdiisu uu xiinjiroobey oo u baahnaa in madaxa lakala dhantaalo oo loo dhaadhaco maskaxda

Bukaankii magaca khaldan la siiyey ayaa la dhigay miiska qaliinka, waxaana la furay madaxiisa oo la qalay. markii halkaa la marayey ayaa waxa  la waayey dhiigii xinjiraystay, oo laga dawayn lahaa . Sidaasna waxa lagu ogaaday in bukaanku yahay qof kale

Afar shaqaale ah ayaa shaqadii laga fariisiyey markii arintani ay dhacaday oo ay ku jiraan Kalkaaliyaal caafimaad , Dhakhtarkii maskaxda, iyo ninkii Cisbitaalka haystay.

Ninkii la qashay sida la sheegay waa fiican yahay, waana ka soo raynayaa.

https://youtu.be/NLQ4SPONsao

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*