12th December 2024 admin Category :
Markii madaxiisa la qalay oo maskaxdiisa banaanka la soo dhigay, ayaa dhakhtarkii qalayey wuxuu ogaaday in ninka mindidu ay dul saran tahay uuna ahayn ninkii jiranaa.
Cisbitaalka Kenyatta Nation Hospital ee magaalada Nairobi, ayaa waxa la keenay labo qof oo bukaan socod ah oo labduba ka xanuunsanayaan dhanka madaxa.
Bukaan socodka kowaad, isaga xanuunkiisu waa yaraa oo maskaxda ayaa xoogaa barartay, wuxuuna u baahnaa qaliin yar.
Halka Bukaan socodka labaad uu isagu dhiigii maskaxdu uu xinjiroobey oo u baahnaa qaliin weyn.
Shaqaaliihii Cisbitaalka ayaa isku khalday magacyadii labada bukaan socod
Bukaan socodkii xanuunkiisu yaraa ayaa magaciisa lugta luugu xiray inuu yahay kii dhiiga maskaxdiisu uu xiinjiroobey oo u baahnaa in madaxa lakala dhantaalo oo loo dhaadhaco maskaxda
Bukaankii magaca khaldan la siiyey ayaa la dhigay miiska qaliinka, waxaana la furay madaxiisa oo la qalay. markii halkaa la marayey ayaa waxa la waayey dhiigii xinjiraystay, oo laga dawayn lahaa . Sidaasna waxa lagu ogaaday in bukaanku yahay qof kale
Afar shaqaale ah ayaa shaqadii laga fariisiyey markii arintani ay dhacaday oo ay ku jiraan Kalkaaliyaal caafimaad , Dhakhtarkii maskaxda, iyo ninkii Cisbitaalka haystay.
Ninkii la qashay sida la sheegay waa fiican yahay, waana ka soo raynayaa.
https://youtu.be/NLQ4SPONsao