18th December 2024 admin Category :
Soomaaliya ma leedahay sharciga ciqaabta Khiyaano Qaran haddise ay leedahay maxaa loogu qaadi waayey danbiilayaasha gala?
Dal kasta oo ka mid ah caalamka, oo ka mid ah kuwa soo koraya ama kuwa horay u marayba waaxa ay leeyihiin shaci lagu qaado qofka dalkiisa ka gala khiyaano Qaran.
Khiyaano Qaran waa qofka qaranimada dalkiisa kala dhantaalya, isaga oo ushaqaynaya canaasiir iyo dawlado kale ama isku daya inuu afgembiyo dawladii jirtay ee dalkaa ka shaqaynaysay markaas .
Ururka Alshabaab iyo madaxda beesha Isaaq ka soo jeeda oo ka mid ah dawladda Soomaaliya ama kuwa xilal horay uga soo qabtay labaduba waxay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan duminta Qaranka Soomaaliyeed. Waxayna gacanta kula jiraan Khiyaano qaran.
Madaxda beesha Isaaq ee ka midka ah dawladda Soomaaliya ee u sheeqaya Ururka Canaasiirta ah ee SNM, ee doonaya inay Qaranimada Soomaaliya wiiqaan , kala goooyaan una shaqeeya dano shisheeyo ilaa hadda ma jiro sharciga khiyaano Qaran ee lagu qaaday ama mid ka mid ah oo xabsiga loo dhigay denbigaas uu ka galay Qaranka Soomaaliyeed ama looqa qaaday shaqadii uu u hayey Qaranka Soomaaliyeed debbiga uu ku kacay.
Labaddii wasiir ee arimaha dibada ee dalka Soomaaliya soo maray Oomaar iyo Buubaa labaduba maanta waxy u shaqeeyaan Jabhadda SNM, waxayna uga fursad badan yihiin Soomaalida inteeda kale inay si xor ah u booqdaan Villa Soomaaliya xilliga ay doonaan ayna ula kulmaan madaxda Soomaaliyeed kii ay doonayaan oo ay isku hayb yihiin ama ka shaqaynaya dantooda guracan
Ugu danbayntii waxa nasiib xumo ah, oo ay umadda Soomaaliyeed ku sii kal fogaynaysaa in maanta Raaisawasare ku xigeenkii Soomaaliya uu Villa Soomaaliya kula kulmayo nin ku kacay Khiyaano Qaran oo xilalaka ugu sareeya ka soo qabtay maamulka SNM ee dhiiga badan ee Soomaaliyeed Isir nacayb ugu daadiyey Waqooyiga Soomaaliya
https://allsanaag.com/xildhibaanka-reer-waqooyi/
Allsanaag.com