25th October 2024  admin  Category :

Bahwadaagta  Reer Saalax ee Beesha Warsangeli ayaa $70,000 maanta  ku wareejisay guddiga dhismaha jidka barakaysan ee jidka  Ceel daahir iyo Ceerigaabo

Beelaha Garaad Yusuf Ee Bahwadaag Reer Saalax,  ayaa deeq lacageed oo gaadheysa $70000 (Todobaatan kun oo dollar) Waxaana Ku Wareejiyay Gudiga Waddada Ceel daahir –ceerigaabo oo heerkii ugu wacnaa iminka ku sii siiqaysa, Xaflada lugu wareejinayey dhaqaalahan ayaa kadhacday Magaalada Midigalo ee gobolka Sanaag  oo marar badan dadkeedu muujiyeen bisaylka iyo siday uga go’antahay doorka ay Waddadan ku leeyihiin ,Iyagoo hore ugu deeqay Geel iyo Adhi.

Masuuliyiinta Guddiga Waddada Ceel daahir ilaa Ceerigaabo ayaa khudbado kaladuwan ka jeediyey Madasha Iyagoo uga mahadceliyey Waxgaradka Beelaha Midigale Ee Gobolka Sanaag siday Isugu xilqameen Howshan.

Cunbul Faarax Bile oo kamida Haldoorka Somaliyeed ee Misaanka kule Ganacsiga dalka Somaliya iyo Ukicida Guud ahaan Horumarka goboladaasi iyo guud ahaan dalka ayaa yidhi, Waxaan Rabnaa Maanta Howshan ka Odayaal ahaan Inaan loo kala hadhin si dhaqso ah ayaan rabnaa Inay nooga Fusho howsha jidkan Ceeldaahir Ceerigaabo, Waxaana Awal idiinku tureyney.

Reer Maakhirow duruufihii Abaaraha iyo Xaalada culeyska Goboladaasi oo aynu tixgelineyney,  lakiin Maanta Jaaliyada Reer MAKHIR oo kala jooga dunida iyo dadka Gobolka waxaan ka rabnaa Inaan loo kala hadhin dhowlada dhexe iyo Puntlnd Qoodadeeda waan gudbiney ,,Ayuu yidhi Cunbul Faarax Bile.

Degmada Mindigale ee Gobolka Sanaag ayaa horseedka 1Aad u noqotay Lacagaha Deeqda a ee shacabka Goboladu ku deeqayaan waxayna gaadheysa ilaalabo million doller ah oo reer Maakhir laga rabo Bah Wadaagta reer Saalaxna laga rabo $ 200, 000 ( labo boqol oo kun oo dollar) Iyadoo Arintan ay Tartan ugu jiraan Degmooyinka kala duwan ee Gobolada Sanaag ,Haylnd iyo Galbeedka Bari.

Maxamed Axmed Ciise Mindigale

 

 

Weriye madax banaan, Maxamed Axmed Ciise

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*