23rd October 2024  admin  Category :

Wefdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudha DFs oo hordhac u ah madaxweyne Farmaajo oo Puntland  kusoo wajahan berri

Wefdi ballaaran oo uu hoggaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa berri oo ah Khamiis kusoo wajahan Puntland.

 

Wefdigaan ayaa waxay hordhac u yihiin safar uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi  Farmaajo ku imaanayo Puntland 6 bishaan Jannaayo ee sanadkan 2018, waxayna ka kooban yihiin Wasiirro Soomaaliya, xildhibaanno ka socda labada Aqal iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabtida lagu wadaa in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso,booqashadii ugu horreysay oo uu ku yimaado degaannada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu Puntland ku sugan yahay waxa uu xariga ka jari doonaa caasimadda Puntland ee Garoowe, wuxuuna booqasho dhanka dhulka ah ku tagi doonaa magaalooyin iyo deegaano badan oo Puntland ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*