25th October 2024  admin  Category :

Dalalka ku bahoobay Qaramada Midoobay oo tiradooda ay gaarayaan 193 dal ayaa maanta cod u qaadaya kaasoo ay ugga soo horjeedaan  aqoonsigii Mareeykanka uu ku aqoonsaday Qudus ineey tahay caasimadda Israa’iil.

Amaasadoorada u fadhida Mareeykanka Qaramada Midoobay ayaa waraaqo u dirtay inta badan dalalka ku midoobay Qaramada Midoobay, iyadoona ugga digtay ineey ka hor yimaadaan haddii Mareeykanka ay yihiin. Waxeeyna sheegtay in magacyada dalalka ka horyimaada Mareeykanka ay u gudbin doonto Trump si tallaabo looga qaado.

Madaxweeynaha Mareeykanka Trump ayaa isna sheegay ineey lacagta ka jaran doonaan ciddii ka hortimaada. Wuxuuna yiri, “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana cododkooda ayay nagu mucaaradayaan,”

Arrinta hanjabaada ah ayaa u muuqata mid dalal badan ay ka carroodeen. Balse, dalal badan waxeey arrinta u tahay laba daran mid dooro. Wadamada ugu horeeya ee 2016kii ka halay mareeykanka kaalmada waxaa safka horre ugga jirra dalalka ay ka midka yihiin Itoobiya, Suudaanta Koonfureed, Kenya, Nayjeeriya, iyo Congo. Dalalka Carbta ee deggan Bariga Dhexe iyo Afrikada Waqooyi kaalmada ugu badan ay Mareeykanka ka helleen waxeey u badneed xagga hubka.

Hadaba, haddii Mareeykanka uu ku kaco arrin aargudasho dhaqaale, waxeey u tahay arrin wannaagsan dalka Shiinaha oo galaangal aad u weeyn ku leh waqtigan Qaarada Afrika. Shiinuhu wuxuu barbaro la gallay ama uu dhaafay Mareeykanka marka ay timaado caawinta wadamada soo koraya.

Madaxweeynaha Turkiga Erdogan ayaa ku eedeeyay in Mareeykanka ay cod ku iibsanayaan macaawino. Wuxuuna sheegay in iyaga aan lagu iibsan karrin xooggaa doolar ah.

Hadaba, isweeydiinta waxeey tahay dawladda Soomaaliya xaggee taageeri doontaa marba haddii xagga shilimaadka la iska soo gallay?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*