27th December 2024 admin Category :
Maleeshiyaadkii beelaha Isaaq oo ka cararay Hadaaftimo
Maleeshiyaad ka soo jeeday Beelaha Isaaq oo ay hogaaminayaan labo nin oo ka soo kala jeeday beelaha Habar jeclo iyo Habar Awal, oo ay la socdaan Marrabi ka soo jeeday Maakhir ayaa maanta iyaga oo sanaadiiqdii wada soo gaaray degmada Hadaaftimo ee gobolka sanaag, oo qaar ka mid ah Isimada degaanku ay lacag kaga qaateen inay siinayaan Muuse Biixi codad gaaraya 5000, oo la sheegay in laga diiwaan geliyey gobolka Sanaag.
Laakiinse waxayna ogayn in Ciidamada Puntland ay maanta afarta jiho ka joogaan gobolka Sanaag oo xitaa wasiiraddi u qaabilsanaa amniga ay ku sugan yihiin gobolka Sanaag. Markii arintaas ka war heleen Isimaddii lacagta Muuse Biixi kaga qaatay inay codad siinayaan, ayaa waxay ku war geliyeen maleeshiyaadkii beelaha Isaaq inaanay amnigooda sugi karin oo maanta arintu ka weyn tahay wiilashii ay la hadli jireen, oo aan idin ka celin jirnay inay idin dhibaateeyaan . Ciidanka meesha marayaana uu yahay ciidan xoogan oo aan anaga na maqli doonin. Maleeshiyaadkii beelaha Isaaq oo isku halaynayey Marabidooda iyo isimada lacagta kaga qaatay inay codad siinayaan Muuse Biixi taladdi waa qaateen, Hadaaftimona waa isaga cararaeen Caawa. Lama ogaan karo iyaga oo xoogan inay berito soo laaban doonaan
Marabbida ama Agoontii maanta la socotay maleeshiyaadka beelaha Isaaq, kuwoodii hor boodayey oo ugu cad cadaa oo afka u qaloocinayey sida dilaliintii reer Burco iyo Hargaysa ama siyaasiyiinta ku sugan guriga Moorgan, sadex ka mid ah Aabayashood waxa dilay Isaaq, mid ka mid ahna Aabihiis, Labo Adeeradiis ah iyo iEedadiis oo safar ah waxa dilay SNM.
Intaa ka dibna rabaayad ayuu u noqday Isaaq, waxayna u adeegsadaan Si khaldan oo fool xun . Agoontan oo inta badan reer Makhir yaqaaniin magacyadooda cidda ay yihiin iyo sida waalidkood loo dilay, ayaa magacyadooda waxaan u qarinay Ixtiraamka aan u hayno waalidkoodii xag darada iyo isir nacaybka loo dilay iyo kuwii ay ka tageen oo magac xumada u soo hooyey. Ninkii shalay Gabiilay ka yimid oo aabihiis Isir nacayb ugu dilay magaalada Ceerigaabo ayuu maanta wuxuu marabbi u yahay wiilkii uu dhalay oo isaguna Isir nacayb doonaya inuu cid ku dilo
ALLSANAAG.COM
ALLSANAAG.COM